Carruur isku Qoys ah oo ku Geeriyooday Dab Qabsaday Gurigooda

Date:

Burco (Dawan) Laba Carruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab ka kacay guri jiingad ah oo ku yaalla xaafada Hodan ee magaalada Burco.

Abaaro 2:25 duhurnimo ee shalay, Ciidanka Dab-demiska Burco oo goobtaas gaadhay gurmadna u fidiyay , waxaanay ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga oo dabku wada haystay.

Caruurta ayaa ahaa walaalo, sidoo kale caruurtaas ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u dhaxaysay 10-11 sanno.

Guriga ay carruurta walaalaha ahi ay ku gubteen ayaa ahaa  Jiingad markiiba dabku wada qabsaday kana kooban laba qol iyo barande. Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana maydkii la gaadhsiiyay cisbitaalka Burco.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe carruur badani ku geeriyoodeen.Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyskaa geeridu ku dhacday, waxaanu ALLE uga baryaynayaa in beddel kheyr qaba siiyo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...