“Qarankan Inagaa Leh oo Dhisanay Shalay Ayaynu ka Ahayn Madaxwayne Berrina Waynu…” Madaxweyne ku Xigeenka

Date:

’Nabadii waa loo soo dhigtay waxaana u soo dhigtay nin ciyaalkiisii dibedda gaystayn”

Hargaysa (Dawan) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa bulshada gobolka Awdal ugu baaqay inay nabadda iyo xasilooniyada ilaashadaan, kana soo hor jeestaan cid kasta oo nabad-gelyadooda wax yeelaysa.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa sidan ka sheegay mar uu shalay magaaladda Boorama kaga qayb galay xaflada qalin jabinta Dufcadii 13-aad ee jaamacadda EELO oo uu hadal dhaxal gal ah ka jeediyay, halkaasi oo ay ku qalin jabinayeen 412 arday oo dhammaystay kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda EELO.

Sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in nabadii Somaliland ay u soo dhigteen qaar ka mid ah qurba joogta oo sida uu sheegay caruurtoodii dibeda gaystay, isla markaana rabaa inay degenaashiyaha iyo amniga wax yeeleeyaan.

Madaxwaune ku xigeen ayaa sheegay in qaar ka mid ah Gurba joogta reer Adwal ay xaflado ku qabsadaan dalka dibadiisa oo ay guubaabo ka wadaan, kuna tiraabayaan reer Awdaloow waa la idin haystaaye is xoreeya, balse taa badelkeeda Madaxwayne ku xigeenku waxa uu u sheegay reer Awdal in ay Qarankan leeyihiin, tacab badana gashadeen, Madaxwayne ka soo noqdeen, haddana Madaxwayne ku xigeen ka yihiin oo aan cid haysata iyo cid ka lehi anaay jirin.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ‘’Nabadii waa loo soo dhigtay, waxaa u soo dhigtay nin ciyaalkiisii dibada gaystayn oo aan tan waxba ka galin, meelahaas ayay shirar ku qabtaan, haddii aynu reer Awdal nahay, oo been isku sheega oo ummadaasi nadaba ku naaloonaysa ee wax ku baranaysa ee maanta meel walba aduunka joogta odhanaya waa la idin haystaaye is xoreeya, kaasi been buu sheegayaa cid la haystaa ma jirto, qaran dhisan oo aynu qayb ka nahay oo madaxwayne ka noqonay oo mar kasta aynu madaxwayne ku xigeen ka nahay ayaynu joognaa hadaynu reer Adwal nahay.”

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic waxa uu uga digay bulshada reer Awdal beenta iyo borobogaandada ay faafiyaan dad qurbe-joog ah oo iyagiiba nolosha ka dhacay, waxaanu yidhi “Markaa nin isagiiba noloshii ka dhacay oo ka dhiganaya madadaalo in ay isugu yimaadaan meelahaasi oo ay yidhaahdaan Awdal State iyo magacyo ayanaan garanayn, waa dad maquur toosan oo noloshii inta badan ka dhacsan baa intaasi ka dhiganaya madadaalo.

Waxaynu isku ognahay in wixii aynu dhisanay ee wanaaga aynu ku dhisno qarankeena, magaaladeena ku dhisno, wixii dhimana waa la raadin oo wanaag iyo nabad baynu ku helaynaa, rasaar iyo in aynu nin is dumiyay ku dayano, waxay ina leeyihiin reer hebel baa is dumiye idinkuna is dumiya taasi may ina qabataa, dad waxaynu nahay ka koray oo wixii u wanaagsan iyo wixii kale kala garan kara. Qarankan inaga ayaa leh, inaga ayaaa dhisanay oo ka mid ah, shalay baynu ahayn madaxwayne berrina waynu ka karnaa.”

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...