Frank Lampard Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu U Fadhiisiyey Pulisic Qaybta Hore Ee Kulankii Liverpool

Date:

Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay sababtii uu qaybtii hore ee kulankii Liverpool u fadhiisiyey xiddiga reer Maraykan ee Christian Pulisic oo markii uu garoonka soo galay isbeddel weyn ku keenay qaab ciyaareedka kooxdiisa, isla markaana laba gool sabab ugu noqday inay dhaliyaan.

Pulisic oo aan ciyaarin kulankii Manchester United ee semi-finalka FA Cup ayuu Lampard soo geliyey daqiiqaddii 59aad xilli ay Liverpool hoggaanka ku haysay 4-1, waxaana markiiba uu xarfad ku dawakhiyey afar ciyaartoy oo Reds ah ka hor intii aanu Abraham goolka u hor-dhigin kubadda, ciyaartana ka dhigay 4-2, ka hor intii aanu isagu dhalinin gool uu natiijada ciyaarta kaga dhigay 4-3, laakiin Liverpool ayuu Chamberlain u dhaliyey gool burburiyey rajada barbaraha ay raadinaysay Chelsea, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 5-3.

Taageereyaasha Chelsea ayaa is weydiinaya sababta uu Lampard ugu soo bilaabi waayey ciyaarta Chriristian Pulisic, iyagoo rumaysan in aan kooxdooda sidaa xun loogu bahdileen Anfield haddii uu laacibkani ka mid ahaan lahaa ciyaartoydii kulanka ku bilowday.

Laakiin Frank Lampard ayaa shaaciyey sababta uu Pulisic u fadhiiyey, waxaanu yidhi: “Christian wuxuu ahaa mid cajiib ah. Kooxda wuu la joogi lahaa laakiin waxa uu qabay dhaawac yar oo muruqa ah oo sidoo kale uu ku maqnaa ciyaartii Manchester United.

“Maanta waxaan dareemay inay khatar ku tahay inaan 90 daqiiqadood ciyaarsiiyo iyadoo ay waliba noo hadhsan yihiin laba ciyaarood oo waaweyn. Markii uu ciyaarta soo galay, wuxuu u muuqday inuu wanaagsan yahay, waanan ku faraxsanahay bandhiggiisa shaqsiga ah.”

Lampard waxa uu qirtay inay kooxdiisa u fiicnaan lahayd inuu kusoo bilaabo Pulisic, waxaanu yidhi: “Sidaa darteed, waxaan sheegayaa inaan ka niyad-jabsanahay in aanan awoodin inaan kusoo bilaabo isaga labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey, laakiin waxaanu haysanaa kulamada soo socda.”

Chelsea waxay ciyaarta soo socota oo ah tan ugu dambaysa horyaalka Premier League ay Axadda la ciyaari doontaa Wolves oo iyaduna u ordaysa Europa League, halka Manchester United iyo Leicester ay ku ballansan yihiin Old Trafford.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...