Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo 50 xubnood u Furay Tababar ku Saabsan Hirgelinta Xeerarka Maaliyadda

Date:

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa tababar u furay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal, Ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska, Qareenno iyo xubno ka tirsan guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu daaran tahay xoojinta hirgalinta xeerarka maaliyada, waxaana bixin doona khuburo aqoon durugsan u leh xeerarka maaliyada iyo shareecadda Islaamka. Sidoo kale xubnaha tababarka ka soo qayb-galay ayaa dhexdoodu is-waydaarsan doona aaraa’ iyo aqoon-is-waydaarsi maadaama ay ka kala socdaan hay’addaha kala duwan ee Qaranka.

Ugu horayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda maadaama Qaranku ka kooban yahay xubin kali ah oo wada shaqaysa. Dhanka kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa hoosta ka xarriiqay in horumar baaxad leh laga sameeyay dhanka dacwadaha cashuuraha, waxaanu xusay in berigii hore aanay dad badani fahamsanayn nidaamka cashuur qaadista, taasi oo sababi jirtay in dacwado ka dhan ah cashuuruhu soo gaadhaan Maxkamadaha, hase yeeshee haatan la casriyeeyay oo la soo kordhiyay guddida ka garnaqista dacwadaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda oo dadku halkaasi ka soo bilaabaan, tababarkanina qayb ka yahay sidii loo mideyn lahaa guddidaasi iyo Maxkamadaha awoodda u leh.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo tababarka furay ayaa is-dul-taagay ahmiyadda tababrkani u leeyahay ka soo qayb-galayaasha, waxaanu sheegay in Waaxda Garsoorku marka horeba ay ku shaqayn jirtay xeerarkani, hase yeeshee hadda ay ka faa’iidaysan doonaan is-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerarka, isla markaana ay si faah-faahsan u guddo gali doonaan muddada uu socdo, sidoo kalana ay is-waydaarsan doonaan waayo-aragnimadooda khuburada iyo xubnaha tababarka qaadanaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa xusay in cashuurtu ay udub-dhexaad u tahay dawladnimada iyo socodsiinta hawlaha shaqo, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Waaxda Garsoorku ay laf-dhabar u tahay fullinta cashuuraha, isla markaana meel adag ka taagan tahay in ay baaqato iyo in sifo kalaba ku leexato, waxaanu tibaaxay in Garsoorku kamid yahay hay’adaha ugu wanaagsan dakhli soo xereynta.

Guddoomiyaha ayaa xubnaha tababarka qaadanaya kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarka, isla markaana is waydaarsadaan khibradahooda aqooneed.

 

 

 

 

\\\\\

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...