Masuuliyiin Talo kala Duwan ka soo Saaray Dabkii Baabi’iyey Suuqa Tog Wajaale

Date:

Tog-wajaale (Dawan) Dab xoogan ayaa habeen hore   ka kacay suuq ganacsiyeedka degmada Wajaale oo dhaca xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

Dabka ayaa isla markiiba ku faafay    boqollaal meheradood oo ganacsi, waxaana la tacaalay ciidanka dab damiska degmada iyo dadka shacabka ah, sidoo kale ciidamada dab damiska magaalada Hargaysa iyo kuwa dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo soo gaadhay.

Dabka ayaa xoog u fidayay marba marka ka danbaysa maadama aanay    degmadu lahayn dab damis xoogan oo u babac dhigi kara dab sidan oo kale u xoogan, isla markaana dadwaynaha ayaa isku dayay in ay   alaabada ka daad gureeyaan meharadaha uu dabku ku fidayay.

Dabka ayaa lagu guulaystay niskii danbe ee habeen hore, kaas oo muddo badan lala tacaalayay bakhtiintiisa.

Sidoo kale waxa gurmadka dabkaas laga sameeyay ka qaybgalay bahda caafimaadka, booliska, ganacsata iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Masuuliyiin kala duwan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa ka hadlay masiibada dabka ka kacay suuqa Ganacsiga ee degmada Tog-wajaale.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somalilland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay masiibada dabka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay hore qorshe magaalo (master plan) ugu samaysay Wajaale isla markaana ay ka hirgelisay adeegga debdamiska, waxaanu dadka hantidoodu ku gubatay suuqaas uu ILLAAHEY uga baryay inuu cawil celin ka siiyo, waxa uu intaas ku daray in xukuumaddu si mug leh gurmad uga bilowday lagu bakhtiinayo dadbkaasi, wuxuuna xusay in debdamiska magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Boorama ay u gurmadeen bakhtiinta dabkaa.

Sidoo kale wasiir Saleebaan wuxuu si ballaadhan ugu mahadceliyay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo markiiba u soo gurmatay Wajaale, iyadoo uu gurmadkooda hoggaaminayo Hoggaanka nabadgelyada ahna ku simaha madaxweynaha Dayib oo horkacayey debdamiska Jigjiga.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Somaliland, Mudane Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in guddi heer Qaran ah loo magacaabayo dabka baabi’iyay suuqa ganacsiga degmada Tog-wajaale.

Waxaanu yidhi. “Arrintan dedaal hallaga galo, nidaamka aan u ganacsanana aan wax ka beddelno, waxa loo magacaabaya arrintan guddi heer Qaran ah, guddida heer Qaran in si fiican loola shaqeeyo ayaanu soo jeedinaynaa”

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa bulshada faray in ay ciidamada u dheganuglaadaan markasta oo masiibo dhacdo, si gurmadka iyo samato bixinta loogu jiraa ay u suuragasho.

Waxaanu yidhi.“Dadka hantidooda ku waayay ILLAAHEY cawil khayr qaba hawgu bedelo, ganacsatada Wajaale isugu timi waxaan ku adkaynayaa in ciidanka booliska ee faraha badan, iyo ciidamada kale ee faraha badan ee isugu yimi inay la shaqeeyaan,”

Taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaxili), ayaa sheegay inay ku guulaysteen isla markaana 14 gaadhi oo ka mid ah kuwa ciidanka dabdamiska ay ka qayb qaateen bakhtiinta dabka baabi’iyay hantidii  suuqii ganacsiga ee Wajaale.

Sidoo kale waxa uu taliye Sawaaxili soo jeediyay in wax laga barta inay muhiim tahay masiibo kasta oo ku soo marta.

Waxaanu yidhi. “Dabku aad iyo aad ayuu u weynaa, balse ciidamada dabdamiska ee magaalooyinka Somaliland iyo dowladd degaankaba ka soo gurmaday ayaa bakhtiintiisa qayb weyn ka qaatay.

Bacadlayaasha waxaan leeyahay sidan maalin walba ku jirimayne, waa qorshahan qorshe ka duwan la keena, maalin walba sugimayno bacadluhu inta uu gubanayo, hadaad diidaan yaa idiin soo gurmanaya ee wax idiin bakhtiinayaa, noo dhaganuglaada oo talada aanu idin siino qaata.

Dabkastana waa in aynu wax ka barana, sababto ah kii Waaheen waxbaynu ka baranay, suuqan hadda gubtay hore ayuu ugubtay ee aynu wax ka barano”.

Kusiisimaha madaxwaynaha DDS ahna hogaanka nabadgalyada Mudane Dayib Axmed Nuur iyo gurmad balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa qayb ka ahaa dadka ka qayb qaatay samata bixinta   suuqa magaalada wajaale ee uu dabku qabsaday.

Gurmadkan uu hogaaminayay kusimaha madaxwaynaha ahna hogaanka nabadgalyada DDS oo ka koobnaa masuuliyiin heer deegaan, ciidanka dabdamiska deegaanka, ayaa markii ay soogaadhay suuqa dabku qabsaday hawsha dhankooda ka qabtay, isa markaana qayb ka ahaa ciidamadii ku guulaystay bakhtiintiisa.

Ciidanka dabdamiska ee dawlada deegaanka Soomaalida, ciidanka booliska deegaanka iyo guud ahaan gurmadkii kasocday deegaanka ayaa kaalin laxaadle ka qaatay xakamaynta dabkaasi inkasta.

Mudane.Dayib Axmed Nuur, Kusiisimaha Madaxwaynaha DDS. ahna Hogaanka Nabadgalyada DDS, waxa uu sheegay in aanay bulshada reer Jigjiga u kala hadhin gurmadka lagu damiyay dabka baabi’iyay suuqa ganacsiga ee degmada Tog-wajaale.

Waxaanu yidhi.”Waxaan u soo gurmanay in aan kala qayb qaadano walaalahaya Bakhtiinta dabka Qabsaday suuqa Wajaale.

Ciidamada dabdameska iyo bulshada dowlad degaanku umay kala hadhin gurmadka lagu samata bixinayo suuqan dabku hala keeyay, dadka ku hantida beelayna waxa  naga go’an in aanu garab joogsano, gacana ka siino sidii ay uga soo kaban lahaayeen, bulshaweynta magaalada Jigjigi umay kala hadhin gurmadka loo sameynayo dadka aanu walaalaha nahay ee hantidoodii dabku baabi’iyay”

Dhinaca kale Masuuliyiin ka socda Xisbiga WADDANI ayaa u kuur galay xaaladda suuqa xalay gubtay ee magaalada Wajaale.

Masuuliyiinta ayaa halkaasi u tagay si ay u qiimeeyaan baaxadda khasaaraha uu geystay dabku islamarkaana ula dareen qaybsadaan ganacsatada hantidooda ku wayday dabkii xalay.

Masuuliyiinta ayaa kala ahaa guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Abubakar Cabdiraxmaan Good, Xoghayaha Guud Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha arrimaha Bulshada Maxamed Sidiiq Dhamme, Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Si kasta ha ahaate Dabkii xoogana ee ka kacay Suuqa   ganacsiga ugu weyn ee Magaalada Wajaale, ayaa la sheegay inuu gaystay khasaare balaadhan oo maaliyadeed iyadoo dadaal iyo gurmad ay sameeyeen Ciidamada dabdamisku ay ku guuleysteen inay demiyaan.

Muuqaalada iyo sawiradda laga soo qaaday Suuqa dabku ka kacay ayaa muujinayay baaxada uu la’eega dabka iyo sida uu suuqaasi uga dhigey digo iyo danbas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...