Waa Kuwee Seddexda Xiddig Ee Uu Milkiile Roman Abramovich Ogolaaday Inay Chelsea Ku Soo Xerogeliso In Ka Badan 150 Milyan Xagaagan?

Date:

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa u ogolaaday gabadha suuqa kala iibsiga u qaabilsan kooxda Marina Granovskaia inay lacag ka badan 150 milyan ginni ku soo xerogeliso Ben Chilwell, Kai Havertz iyo Declan Rice.

Blues ayaa durbaba 80 milyan ginni ku qarashgareysay soo xerogelinta Hakim Ziyech iyo Timo Werner.

Chelsea ayaa qarka u saaran la soo wareegida xiddiga Leicester Citu Ben Chilwell iyadoo Lampard uu doonayo inuu ku xaliyo dhibaatada ka heysata booska daafaca bidix.

Wargeyska Daily Express ayaa sheegaya in labada kooxood ee Chelsea iyo Leicester ay ku heshiisyeen lacag gaareysa 50 milyan ginni.

Qandaraas shan sannadood ah uu isbuucii ku qaadanayo 150 kun ginni ayaa miiska loo saaray 23 jirkaan kaasoo la filayo in saacadaha soo socda uu tijaabada caafimaadka u maro Blues.

Haddii wax walba ay noqdaan sida qorshaha uu yahay markaas Chilwell ayaa noqon doona saxiixii seddexaad ee Frank Lampard uu sameeyo xagaagan, waxayna u badan tahay inuu soo raaci doono Havertz.

Kubadsameeyaha Bayer Leverkusen ayaa doonaya inuu u soo wareego Stamford Bridge ka dib wacdarro uu xilli ciyaareedkan ka dhigay Bundesliga.

Havertz ayaa ka qaalisanaan doona Chilwell iyadoo Leverkusen ay 21 jirkaan duldhigtay 90 milyan ginni.

Marka Havertz la soo xerogeliyo, Chelsea waxay dareenkeeda u weecin doontaa xiddiga West Ham Declan Rice.

Inkastoo uu Rice khadka dhexe uga ciyaara West Ham hadana Lampard ayaa aminsan in 22 jirka uu mustaqbalka dheer ka ciyaari doono booska daafaca dhexe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...