Golaha Guurtida oo Warbixinaddii uu Guddiyada u Diray ka Dhageystay

Date:

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa warbixino kala duwan ka dhageystay guddi hoosaadyada arrimaha dibedda, arrimaha bulshada, nabadgelyada iyo garsoorka.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha guurtida JSL, Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre, ayaa warbixinta guddidisa ku sheegay in xaalada waxbarasho ee dalka, waxaanu xusay inay jiraan dad danyara oo aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka adeegbixinta waxbarasho ee carruurtooda, waxa uu intaas ku daray in wasaaradda waxbarashadu ku guulaysatay diyaarinta manhajka waxbarashada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland Dhaam biyoodyo ka hirgelisay qaar ka mida gobollada iyo degmooyinka dalka, waxa uu wakaalada biyaha ka codsaday inay xil iska saaraan dhammeystirka biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.

Geesta kale xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan (Indha-indho), guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida JSL, ayaa golaha la wadaagey nuxurka warbixinta guddida uu guddoomiyaha u yahay, waxaanu tilmaamay in muddooyinkii u danbeeyay dalka yimaadeen wufuud ka kala socotay dowladdaha Ingiriiska iyo Faransiiska, kuwaas oo xukuumadda ku boggaadiyay geedi socodka Dimuquraadiyada iyo horumarka waddanka.

Guddida guddi hoosaadka shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey howlaha kala duwan garsoorka Dalka, ayaa warbixintiisa kaga waramay sidii garsoorka waddanka kor u qaadis loogu sameyn lahaa, aqoonta garsoorayaasha loo dhisilahaa, loona ilaalinlahaa xuquuqda garsoorayaasha, isla markaasna wixii kiisas ah maxkamadda dalka horyaala loo fulin lahaa.

Xildhibaan Xareed isaga oo warbixintiisa siiwata waxa uu sheegay in waaxda garsoorku gaadhay horumar la taabankaro, waxaanu intaas raaciyay in maxkamadaha guur guura loo kala diro gobollada dalka, kuwaas oo uu xusay inay fududeeyeen adeeggi waaxda garsoorka ee bulshaddu u baahneyd.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Farax Buddeeye, kana tirsan Guddidada arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca Golaha Guurtida, ayaa warbixintiisa ku sheegay in shilalka gaadiidku yihiin kuwa badan wakhtigan, waxaanu xusay in loo baahan yahay sidii bulshada looga badbaadin lahaa, sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in khilaafaadka beelaha u dhaxeeya lagu dhammeeyo wado hadal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...