Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka oo Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey.

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Qaranka Somaliland hortiisa ku dhaariyey xubnaha Komishanka xuquuqul Insaanka qaranka.
Munaasibadda dhaarta oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, ayaa sida Dastuurka Qaranku qorayo mid mid loogu dhaariyey xubnaha Komishanka Xuquuqal Insaanka qaranka oo hore usoo maray shuruudihii ka horreeyey dhaartooda.
Ugu horrayn, guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo dhaarta kaddib xubnaha Komishanka Xuquuqal Insaanka la dardaarmay, ayaa Eebbe uga baryey inuu hawsha u fududeeyo, waxana uu ku boorriyey inay si hufan waajibkooda u gutaan, bulshadoodana u qabtaan adeeg la mahadiyo oo cadaalad ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa xubnaha cusub ee loo xulay Komishanka Xuquul Insaanka qaranka u jeediyey kelmedo kooban oo dardaaran iyo wax sheeg ah, waxana uu ku adkeeyey inay waajibka saaran u gutaan si xilkasnimo iyo deggenaan leh.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku hambalyeeyey xubnaha cusub ee Xuquul Insaanka hawsha loo igmaday, waxana uu sheegay in hawsha sugaysa darteed ay kamid yihiin komishannada ugu muhiimsan qaranka ee indhuhu wada hayaan, waxana uu yidhi,“Waan idinku hambalyeynayaa in la idin soo xulay, waxana aad ka mid tihiin komishannada ugu dhibta badan sida loo xulo oo Komishannada kale oo dhan waad ka duwan tihiin, waayo waxa la eegayaa inaad dad caddaaladda qaadi kara oo hawshaas badan qaadi kara tihiin.”
Wa-bilaahi Tawfiiq
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...