Iskuul lagu Bilaabay 8 Arday iyo lix Macalin oo ku Labaatan Jirsaday kun iyo shan boqol oo arday iyo 36 Macalin

Date:

Hargeysa(Dawan):- Maamulaha dugsiga sare ee Ilays ee Buurta Kala-jeexaan, Cabdiraxmaan Muuse Ismaaciil ayaa sheegay in aanay dugsiyada sare ee gobolka Maroodijeex hoos u dhicin, balse dugsiyadii sare ee gobolladu ay soo gaadheen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ku bogaadinayo dugsiyada sare ee degmooyinka kale ee higsaday dugsiyada caasimada.

Geeets kale waxaa xusay in uu yahay dugsigoodu, iskuulka ugu badan ee ardayda danyarta ah siiya waxbarasho bilaasha iyo baska oo ay ka bixiyaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay u ilaaliyaan akhlaaqda ardayda, waxbarashadooda iyo ammaankooda, waxaanu intaas raaciyay in macalimiinta wax ka dhiga dugsiga sarre ee Ilay see Buurta Kala-jeexan in ay dhammaantood yihiin heer Jaamacadeed oo isugu jira Master iyo Digrii.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo Maamule Cabdiraxmaan uu siiyay wargeyska Dawan.

Mar uu ka hadlayay kaalinta dugsi sare ahaan ay kaga jiraan waxbarashada dalka waxaa uu yidhi. “Dugsiga saree e Ilayn Buurta kala jeexan waxaa la asaasaasay 2003 dii waxaana lagu aasaasay 8 arrday iyo lix macalin maantana waxaa ku jira 1500 oo arday iyo 36 macalin oo wada heer jaamacadeed ah,taasina waxay ku tusaysaa halka uu marayo iyo in uu 20 sano ku noqdo hormuudka dugsiyada saree e dalka.”

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay siday u tixgeliyaan ardayda qoysaska aan awoodin in ay lacagta dugsiga iska bixiyaan,ayuu yidhi. “waxaanu nahay dugsiga dhankaa ugu fiican ee ardayda qoysaskoodu aanay awoodin lacagta una baahan waxbarashada siiyay waxbarasho lacag la,aan ah waliba ta baskana ka bixiya marka la isku daro ardayda aanu lagacagta ka daynay baskana aanu ka bixino iyo kuwa qayb laga daayay waxay tirada ardayda guud ee dugsiga dhigta ay ka yihiin boqolkiiba laba iyo toban.”

Waxaa kale oo uu sheegay in dhanka akhlaaqda iyo waxbarashadaba ay ardayda ka dhisaan.

“waxbarasho keliya ma siino ardayda laakiin dhanka akhlaaqda iyo waxbarashadu way wada socdaan waxaanu yoolkayagu uu yahay in aanu soo saarno arday akhlaaq ahaan dhisan waxbarasho ahaanna dhisan,si wayn ayaanan isugu xidhanay ka isguul ahaan iyo waalidku inkastoo waalidka marka laga hadlayo ay hooyooyinku kaga wacan yihiin ragga ku xidhnaanta isguulka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...