Baanka Dhexe oo Digniin kama Dambays ah u diray Sarifleyaal Xadgudbay iyo Sarifle ka hadlay halka ay Sirtu ka Qudhuntay

Date:

Hargeysa (Dawan) Baanka dhexe ee Somaliland ayaa digniin kama dambays ah u diray sarrifleyaal ku xadgudbay sarrifka lacagaha qalaad oo  lacag dheeraad ah ku daray qiimihii baanku u jaray.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, waxana digniintaas lagu socodsiiyay 10 sarrifle oo lagu arkay inay qiime dheraad ah wax ku sarifeen.

Kuwaas oo kala ah sariflayaasha, haa, Al-hadiya, Beddel, Rayaan, Sanyare, Aljazeera, Laki, Dubad, Aw Cali, Galow.

Warqadaas digniinta ah oo uu ku saxeexan yahay guddoomiye ku xigeenka baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaay u dhigney sidan.

“Baanka dhexe isaga oo ka duulaya waajibaadka ka saran xasilinta suuqayada  sarifka, ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland iyo in bulshadu ay hesho adeeg sarif oo dhammeystiran, waxa uu diginin kama danbaysa u dirayaa sariflayaasha kor ku xusan oo caadaystay in ay kala dhantaalaan adeeggooda sarifka ee ay bulshada siiyaan, iyaga oo xidhaya ama dheeraysiinaya gacanta danbe, taas oo baalmarsan xeerarka Sarifka.

Sidaasi darted waxa la idin faraya in aad furtaan gacanta danbe ama aad ku soo celisaan sicirka baanku soo saaro ee adeeggiina safirka  sida ugu dhakhsaha badan, haddii aad fulin waydaan waxa baanka dhexe idinku wargelinaya in la idinka qaadi doono tallaabo sharciga waaqsan.

Sidoo kale Wargeyska Dawan ayaa mid ka mida sarrifleyaasha magaalada Hargeysa   wax ka weydiinay in sarifka lacagtu qaali garoobo waxa uu sheegay in baahidii iyo wixii suuqa yaalay ay isle’ekaan waayeen.

Sidoo kale waxa uu xusay in colaadaha dalka dibediisa iyo gudihiisa ka jira, muranka siyaasadu ay qayb ka yihiin sarif bararka lacagta.

Waxaanu yidhi.“ILLAAHEYba sicirka jara, in sicirka adeega safirku kor u kaco wax sababay baahidii iyo wixii suuqa yaalay ayaa is le’ekaan waayay.

Sidoo kale dhibaatooyinka kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ka dhacay ayaa keenay isbedelka sarifka, sida dagaalka Yukreyn, dagaalka Laascaanood, muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaa baahida dollarka sarre u qaaday, maadama kala shaki uu yimid.

Marka haddii ALLE idmo waxa aanu rajeynaynaa in sarifku halkiisi ku soo noqdo, baahi dollar ayaa jirta, balse wax waliba khayr ayay noqon doonaan.

Hadda shalay oo kale suuqa madaw waxa uu marayay 925-kun ee aan baanka ahayn, balse imika 915-kun oo shilin ayuu marayay, 10-ka kun  ee shilin ayuu hoos u soo dhacay”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...