Madaxweyne Ku Xigeenka JSL oo ka Qayb-galay Isu-soo-bax Bulshadu ku Taageertay Ciidanka Qaranka

Date:

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kala qayb galay bulshada caasimada, isu soo bax ballaadhan oo lagu taageerayay ciidamada Qaranka, kaas oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, isla markaana lagaga soo horjeeday huwanta dagaalka kula jirta Qaranka JSL.

Bulshada ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxaha huwanta ee Somaliland ku soo duushay iyo taageerada ay markasta la garab taagan yihiin ciidankooda.

Madaxweyne ku xigeeenka oo Khudbad u jeediyey qaar ka mida bulshada Caasimada ee isugu soo baxay Hargeysa Stadium si ay taageero ugu muujiyaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aan ciidanka Qaranka markaliya laga guulaysan.

Bannaanbaxan waxa soo abaabulay dowladda hoose ee Hargeysa, waxaaney dadyowga ka soo qayb galay ka kala yimaadeen 9-ka degmo ee caasimada Hargeysa, waxa ay lulayeen calanka JSL, iyaga oo halkaasi kaga dhawaaqayay murti ay ku dhiirigalinayaan Ciidanka Qaranka Somaliland, si ay u garab istaagaan, una dhisaan mooraalkooda.

Sidoo kale waxa bannaanbaxan ciidanka lagu taageerayay kala soo qayb galay bulshada xubno ka mida golaha wasiiradda, masuuliyiinta saddexda xisbi iyo ururada siyaasada, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, Duqa caasimada Hargeysa iyo golihiisa degaanka.

Masuuliyiintii kala duwan ee bulshada kala qaybgashay bannaanbixi lagu taageerayay, ayaa ciidanka ku boggaadiyay heeganka ay markasta ugu jiraan difaaca Qarankooda, waxaaney sheegeen inay hiil iyo hooba lagarabtaagan yihiin.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa ugu baaqay bulshadii ka soo qaybgashay bannaanbaxa in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay uga tashadaan sidii ay ciidankooda naf iyo maalba ugu huri lahaayeen, sidoo kalena ay u ilaalin lahaaye wada jirka iyo midnimada bulshada Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Ciidanka Qaranka mudadii ay difaaca dalka ku jireen lagama guulaysan markaliya, ciidanka Qaranka JSL, mid liicaya ama intaas ku hanjabaya maaha.

Bulshooy waxa aanu idinka codsanayna in ciidanka dhagxumada aad ka daysaan iyo kala qaadqaadka, afxumada baraha bulshada la wareejinayo, isku duubni ayaynu kaga bixi karta dhibkasta iyo culayskasta oo ina soowaha.

Wixii ina soo maray waynu ogayn ee muruqa iyo maskaxdaba aynu ka midowno, dhinacna aynu uwada jeesano, sharafta iyo quruxda iyo karaamada aynu haysanana aynu ilaashano, Somaliland haguulaysato, quluubta shacabka JSL, ILLAAHEY ha mideeyo.”

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu bulshada ka waaniyay in bulshada ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka ee ka soojeeda gobolka Sool in aan wax dhib ah loogeysan.

Waxaanu yidhi.“Waxaan aad idiinka dardaaraya waxa nasiibdarro ah in bulshada innagu dhex nool in la tuurtuuro, la hagardaameeyo, la caayo ama gacanba loo qaado, waa xaaraan, dad Islaam ah ayaynu nahay, bulsho gobonimo looga bartay oo ku noolayd ayaynu ahayne sharafta haynaga qadina, bulshada inala nool ALLE ayaa bugcadan barakaysan ku nooleeyay, hadday Laascaanood ka yimaadeen iyo haday Muqdisho ka yimaadeenba waa in la dhawraa bulshada, meelkasta oo ay joogaan,”

Sidoo kale waxa uu nasiibdaro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne ku xigeenka Puntland in uu dul warwareego dhaawaca reer Laascaanood isagii oo maamulkiisi uu kala fadhiyo, waxaanu faray inay si deg dega uga baxaan isaga iyo masuuliyiinta kale ee maamulka Puntlandba gobollka Sool iyo magaalada Laascaanood.

Waxaanu yidhi “Dadka Laascaanood ku duulay waxa ay ka taliyeen baa’ba reer Laascaanood, waxaanu ka xunahay reer Laascaanood dhibaatada ku dhacday.

Masuuliyiinta reer Puntland ee dhexmeeraysanaya dhaawaca reer Laascaanood, waxaan leeyahay tiisaba daryeela tukale ku dara, waar Puntland ayaa kala daadsan, ciidamo u kala fadhida, waar waxaaga hagaajiso, Laascaanood anaga kaaga xaq leh, anaga kaa xigna, waa dad reer Somaliland ah, imaatinkiinu burbur ayuu u horseeday ee ka baxa ayaanu idin leenahay, bulshadaasina waxaanu leenahay nabadgelyo ayaynu ku heshiinayna haddii ALLE yidhaahdo, Somaliland markasta calanka nabada ayay sidattaa,”

Saylici ayaa bulshada reer Laascaanood ka codsaday in aanay Maxaabiista ay hayaan ku tacadiyin, waxaanu ka codsaday in ay ka daayaan sawiradooda iyo muuuqaaladooda ay baraha bulshada wareejinayaan, waxaa uu xusay in Maxaabiista Somaliland gacanteeda ku jirta si fiican loola dhaqmo.

Waxaanu yidhi.“Haddii nabadgelyada lawaayo xumaanta lasiiwadii, dadka aad haysana sida Diinta Islaamka iyo Xeerarka caalamiga ahi ina farayaan ula dhaqma, Maxaabiista aanu hayno xagtini ma gaadho, baraha bulshada kuma soo baahino, bulshada kuma walaacino, in kolba nin Maxbuusa aad soo dhigtaan baraha bulshada waa xaaraan, waa halaga daayo oo ILLAAHEY halaga cabsado,”

Dhanka kale waxa uu Jabhada gashay Buurta Gacan-libaax ugu baaqay inay Buurta ka soo dagaan oo ay qoriga dhigaan, waxkasta oo ay tabanayaana keenaan miiska wada hadalka.

Waxaanu yidhi.“Innamada la khalday ee Buurta Gacan-libaax fuulayna waxaan leeyahay adeerayaal ALLE haydin soo waxaan ALLE idiinka baryayaa in uu idin soo hadeeyo, waxaan leeyahy hubka iska dhiga, dalkiini iyo dadkiini ayaad joogtaan, waxaad tabaysan waxa aad gaysanaysaan ayaa ka xun, haddii aad leedahay waxba iga maqan waa wax la sixi karo, caqligu ha shaqeeyo, hubka hayska dhigaan, wada hadal wixii inoo dhiman aynu ku dhammeysano”

Dadweynaha ku nool gobollada dalka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay taageero u muujinayey ciidamada Qaranka, waxayna sheegeen in taageero naf iyo maal ah lala garab istaago ciidamada Qaranka oo ay sheegeen inay ku filan yihiin difaaca dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...