Shir-guddoonka Baarlamaanka Somaliland oo Qaabiley Xildhibaan Sir Gavin Williamson

Date:

Hargeysa (Dawan) – Shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo wakiillada ayaa  qaabiley Mp, Sir Gavin Williamson oo ka mida Baarlamaanka Dalka Ingiriiska oo muddooyinkii u danbeeyey ku hawlanaa Qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha golaha guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Fartoon   ayaa xafiiska guddoomiyaha golaha guurtida ku soo dhaweeyay   Sir Gavin Williamson oo ka kamid ah mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo si weyn ugu ololeeya qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, maantana dalka yimi.

Kulanka Shir guddoonka labada gole la yeesheen xildhibaanka ayaa salka ku hayay xoojinta xidhiidhka labada baarlamaan ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Xildhibaan Sir Gavin Williamson oo ay weheliyaan shirguddoonka labada gole ayaa hor yimid fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, waxaana khudbad soo dhaweyn iyo mahadnaqa fadhiga golaha ka jeediyay guddoomiye Saleebaan, waxaanu ku boggaadiyay sida uu markasta uga shaqeeyo qadiyada gooni isu taaga Somaliland.

Gaba-gabadii xildhibaan Sir Gavin Williamson ayaa shir-guddoonka labada gole baarlamaan uga mahadnaqay soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxaanu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay inay aqoonsato Qadiyada madax bannaanida Somaliland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...