“Waxaan Shacabka Somaliland ka Raaligelinayaa in Gaadhigii labaad la Dhaco,”. Xildhibaan Maxamed Khadar

Date:

Hargaysa(Dawan)Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir  oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dhacdo shalay   Kooxda hubaysani ay  magaalada Burco kaga dhaceen Gaadhi ay leedahay  Wakaalada Biyaha.Burco

Maxamed   Khadar Daahir ayaa  tilmaamay in shacabka  Somaliland  uu ka raaligelinayo gaadhigii  kooxda hubayaysani  ay ka soo kaxaysteen Magaalada  Burco.waaxaanu intaa  ku  daray in ay jiraan  dad  aan  jeclayn  nabadda.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi”Waxaan shacabka  Somaliland guud ahaan ka raaligelinayaa  in manta (shalay)  gaadhi labaad la dhaco,iyada  oo  nimankaa  jabhada ah gaadhi ay dhaceen  Maalin dhawayd oo aanu dib usoo celinay.waa  mid  nasiib  darro ah in gaadhi labaad ay dhacaan,waxaanan leenahay shacabka Somaliland arintaa laguma wada socdo.annaga  ayaa  isku  noqonayna oo isku  caqlicelinayna  waanan  qabanaynaa marka ay qaldan yihiin waana in sida caqliga loo shaqeeyo  waana in  laga   dhawrsanaado qadiyad  kasta oo nabada dhaawacaysa qof  kasta oo xasilinta nabadda ka soo horjeesta  waynu  iska  qabanaynaa,wax la soo dhaweeyana   maaha.waxa  jira dad  aan jeclayn nabadda gaadhigana  waa in  ay iskaceliyaan   oo odayaasha ku  wareejiyaan raalina  kama  nihin   arintaas,”.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...