Guddida Is-waafajinta Doorashooyinka oo ku Gudo-jira Naaqishaada Qaraarka loo Xilsaaray oo kulamo la Yeeshay Saamileyda Siyaasada

Date:

Hargeysa (Dawan) Guddidii Golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo xilsaaray is-waafajinta labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada Siyaasadda ee dhawaan ay go’aamada xalka ah ka soo saareen guddidii is xilqaantay ee madax-dhaqameedka ayaa kulamo kala duwan la qaatay saamileyda siyaasada dalka.

Guddida Is-waafajinta Xeerarka Doorashiiyinka ee golaha Wakiillada, ayaa xarunta Golaha Wakiilada fadhiyadoodii kala danbeeyay ku lafa-gurey Xeerarka Doorashooyinka (Xeerka Doorashooyinka guud Xeer lr 91 iyo Xeerka doorashada ururrada siyaasadda Xeer Lr 14.

Fadhiyadii guddidaasi oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, waxa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen, madax dhaqameedka, madaxda saddexda xisbi, madaxda ururada siyaasada, dadka khibrada u leh arrimaha doorashooyinka iyo ururada bulshada, waxaanay weydiiyeen tallooyinka ay ku darsanayaan wax ka beddelka iyo kaabista lagu sameynayo xeerarka doorashooyinka isla markaana la horgeyn doono golaha wakiillada, haddii golahaasi ansixiyana waxa la horgeyn doona golaha guurtida oo iyaguna marka ay ansixiyaan loo gudbin doono madaxweynaha Somaliland, haddii uu saxeexana la dhaqangelin doono waana xeerarka guddida doorashooyinku ay ku qaban doonaan doorashooyinka la isku laamaaneeyay.

Guddida oo la magacaabay toddobaadkii hore ayaa waxa ay shaqadoodu tahay in la iswaafajiyo labada xeer ee kala ah xeerka doorashooyinka guud ee Xeer Lr.91/2020 iyo xeerka ururada siyaasada ee Xeer Lr 14, si loo suurageliyo doorashooyinka la isku lamaaneeyay ee madaxtooyada iyo ururada siyaasada, oo la qoondeeyay inay Somaliland ka dhacaan dhammaadka sannadka danbe ee 2024-ka, haddii ALLE yidhaahdo,

Sidoo kale guddidu waxa ay gorfeeyeen meelaha ay Xeerarka doorashooyinka dalku uga baahan yihiin in wax ka bedel lagu sameeyo iyo sidoo kale aragtiyaha kala duwan ee ay ka gunteen cidkasta oo ay la kulmeen ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa 30/8/2023 waxa uu labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo wakiillada u gudbiyay waraaq uu kaga codsaday in xeerarka doorashooyinka ay waafajiyaan soojeedintii odayaasha dhaqanka ee isu xilqaamay xal u helista muranka doorashooyinka

Guddida ayaa dhawaan aqalka Wakiillada u gudbin doona tallooyin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...