Xukuumada oo ka Hadashay Dagaalyahano ka Tirsan Kooxda Al Shabaab oo Laascaanood Yimid

Date:

 

Hargeysa (Dawa):- Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan kooxda Al shabaaab oo hoggaaminaya 600 oo dagaalyahan inuu yimi magaalada Laascaanood.

Qoraal ay baahisay Wasaarada arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in dagaalyahanno xagjir ahi in ay soogaadheen magaalada Laascaanood.

“Ciidamada Ammaanka ee Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijiyeen in ku dhawaad 600 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shanqoole) oo ah mid kamid ah hoggaamiyaasha Al Shabaab ay Laascaanood soo galeen.”Ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in Shanqoole uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.

Geesta kale waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaqyadani ay xagaldaacinayaan dedaalada ciidamada Somaliland ka sameeyeen illaalinta sharciga iyo kala danbaynta, sidookale waxay sheegtay in ay kor u kacday nabadgalyo darada iyo fidinta fikradaha xagjirnimadu taasi oo khatar ku ah ammaanka Somaliland iyo gobolka.

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ay kaga hortegayso kooxahan ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen, waxayna beesha caalamka ka codsatay caawimo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...