Xukuumadda Raashin Gaadhsiinaysa 4500 oo Qoys oo ku Nool Sanaag

Date:

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Hay’adda u-diyaar-garawga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa shaaciyay inay maalmaha inagu soo socda ay Gobolka Sanaag u qaybin doonaa raashi dhamays tiran 4500 oo qoys, kuwaasi oo ah qoysaska danyarta ah ee ku nool Sanaag kuwaasi oo aan awoodin in ay helaan wax ay quutaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxa uu ka waramay inta gobol ee ay bilahan gaadhsiiyeen raashin dhamays tiran oo ay ku noolaadaan dadka abaaruhu saameeyeen iyo kuwa awoodoodu hoosayso

Waxaanu yidhi “Hadda waxa aaanu bilaabaynaa qaybintiiraashinka Gobolka Sanaag, oo loo qaybin doono 4500 oo qoys oo la gaadhsiin doono dhammaan degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay, waxaanan u rajaynayaa inay si fiican u gaadhi doonto sidii caadada inoo ahayd, dadkuna ay diiwaan gashan yihiin, shaqaalihiina maanta(shalay) ay bixi doonaan hawshoodana ay ka bilaabi doonaan gobolka Sanaag’’.

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda u-diyaar-garawga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa waxaa uu ka warbixiyay deeqo raashin ah oo ay sanadkan gudihiisa ka qaybiyeen qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka

Waxaanu yidhi ‘’ Hay’addu waxay mar kasta u taagan tahay inay gurmad u samayso dadka baahan ee Somaliland ee abaaraha iyo dadka jilicsan ee ay saamaynta ku yeelatay noloshooda, waxaanu qaybinay sanadkan ilaa Sadex iyo labaatan kun iyo sided iyo lixdan qoys oo u dhiganta boqol iyo sided iyo sodon kun afar boqol iyo sided qof oo bil raashinkeed ah’’.

Hay’adda ayaa inta badan u gurmata dadka masiibooyinka dabiiciga ah ku habsadaan si loo badbaadiyo noloshooda, waxaanay u gaysaan raashin iyo waxyaabo ay ku noolaadaan inta xaaladdaasi laga gudbayo.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...