Guddoomiyaha Awdal oo Beeniyay in la Dhibaateeyay Dadka Aan u Dhalan Gobolka ee Waxbarashada u Jooga

Date:

Boorama (Dawan): Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi, ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee nabad-geliyadda gobolkaasi iyo warar maalmahan la isla dhex marayay.

Wararkaasi oo la xidhiidhay in magaaladda Boorama lagu dhibaateeyay dad dhalasho ahaan ka soo jeedda goboladda Sool, iyo Sanaag, iyo sidoo kale arday waxbarasho u degan Boorama.

Waxaanu sheegay badhasaabku in aanay waxba ka jirin wararkaasi lagu sheegayay in la dhibaateeyay dadkaasi deganaashiyaha, iyo waxbarashada u jooga Boorama ee ka soo jeedda Sool, iyo Sanaag, iyo Soomaaliya inteedda kaleba.

Xasan Daahir Xaddi, badhasaabka gobolka Awdal, oo shalay shir jaraa’id oo arrimahaa kaga hadlay ku qabtay xafiiskiisa ayaa Carrabka ku adkeeyay in ka xukuumad ahaan, iyo gobol ahaanba ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kastoo reer Awdal ah oo ku kacda in dadka aan gobolka u dhalan ay waxyeeleeyaan.

Waxaanu yidhi “U jeedadda iyo nuxurka shirkaygan jaraa’id waxay tahay nabadda gobolkan Awdal, gobolkuna waa nabad. Wax dhib ah oo ka jirta gobolkan Awdal na ma jirto. Nabad-geliyadu waa shay qaali ah, gobolkan Awdal, iyo Somaliland oo dhan ba cid kastoo joogtaa nabad ayay ku haysataa.

Nabad-geliyadu waa shayga ugu muhiimsan ee bini’aadamku ku noolaado. Nabada ayaa wax lagu bartaa, nabadda ayaa lagu cibaadaystaa, nabadda ayaa horumarka lagu gaadhaa. Nuxurka aan u qabanay shirkan jaraa’idna waa taa.

Hadalada na soo gaadhaya ee la xidhiidha dadka aan Somaliland u dhalan, iyo dadka kale ee Somaliland u dhashay ee goboladda kale ka yimid, ee waxbarashada iyo deganaanshiyaha u soo doontay gobolkan Awdal, ee la sheegayo in la dhibaataynayo, waxba kama jiraan”.

“Ka xukuumad ahaan, iyo ka gobol ahaanba waxaanu faraynaa cid kastoo dhibaato u gaysata dadka martida ah ee ka yimid Soomaaliya inteedda kale, iyo dadka kale ee ka yimid goboladda Somaliland gaar ahaana Sool, iyo Sanaag, in aanu sharciga marin doono haddii ay dhibaato u gaystaan dadka jaamacadaha dhiganaya, iyo dadka nabadda u soo doontay, dhibaataysa ee ka soo jeedda gobolkan Awdal, in ay sharciga mari doonaan.

Waxaanan leeyahay reer Awdal, in tani (Somaliland) ay tahay tii ay aabeyaasheen bud-dhigeen, ee Somaliland lagu aasaasay ee aan ku shar-fanahay, ee aan kaga duwan nahay goboladda kale ee dalka, iyo Soomaali oo dhan inteedda kale. Waanan ilaalinaynaa. Cid halkan lagu dhibaatayn karaana ma jirto” ayuu yidhi badhasaabka Awdal.

Geesta kale guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi, ayaa faray dadka deganaanshiyaha iyo waxbarashadda u soo doontay Boorama, ee goboladda kale ka yimid in iyaguna ay si wanaagsan oo aan nabad-geliyadda waxba u dhimaynin, in ay ula noolaadaan dadka ay la joogaan ee gobolka Awdal.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dadka deganaanshiyaha u soo doontay Boorama, ee goboladda kale ka yimid, iyo Soomaaliya inteedda kalena, waxaan faraynaa iyaguna in ay si nabad-geliyo ah, oo wanaagsan, oo dhaqan wanaagsan ah, oo aan nabad-geliyada waxba u dhimaynin, in ay ula noolaadaan cidda ay la joogaan ee gobolka Awdal, ee walaalahood ah.

Inta kale ee aan reer Somaliland ahay na iyagana waxaan leenahay sida ay walaaladiin idiin soo dhaweeyeen, ee gobolku idiin soo dhaweeyay, ee ay ugu heelan yihiin inaad nabad ugu wadda noolaataan, oo aad nabad wax ku barataan, deganaanshihiinuna waa inuu ahaado wax iyaga la mid ah, oo aan ka duwanayn, idinkuna inaad u dhaqantaan, oo la idin ilaaliyo ayaa nagana naga go’an xukuumad ahaan, iyo gobol ahaanba”.

Dhinaca kale Xasan Daahir Xaddi, waxa uu digniin Hawada u mariyay dadka qurbe joogta ah ee u dhashay gobolka Awdal, ee hadaladda kicinta ah ku guubaabiya bulshadda.

Waxaanu ugu baaqay in aan looga fadhiyin in ay ka shaqeeyaan khal-khal gelinta amaanka dadkoodda nabadda ku nool, balse ay uga haboonayd in ay ka shaqeeyaan horumarka bulshadoodda.

Waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay dadka kale ee wadamadda dibadda ka wadda dacàayadaha, ee dhibaataynaya nabadda, weliba waxaan si gaara ula hadlayaa kuwa reer Awdal ku abtirsadda, nabad-geliyadda dadkiina haddii aad xumaynaysaan waan idin qabanaynaa.

Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad horumar ku soo kordhisaan gobolka, waxaa la idiinka fadhiyaa inaad wax wanaagsan ku soo kordhisaan. Laakiin, la idiinkama fadhiyo inaad soo xawishaan mushkilad. Mushkiladda aad soo xawilaysaan waxay dhibaato u keenaysaa waalidkiin, walaaladiin, addeerkaa, iyo dadka makaasiinta ah, ee nabadda ku seexda, kuna soo toosa, iyo nabadda ay hooyadda masaakiinta ahi Yaan-yadda ku iibsato, ee ay caruurta ku korsanayso. Taasi ayaad duulaan ku tahay.

Anagu na ka xukuumad ahaan, iyo ka gobol ahaanba, diyaar waxaanu u nahay cid kastoo dhibaataynaysa hooyadda kasaakiinta ah ee nabadda ku iibsanaysa Yaanyadda (Tamaandhada), in aanu gacan Birr ah ku qabano, oo aan sharciga marino”.

Ugu danbayn badhasaabka ayaa baaq u diray qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Awdal, isagoona si gaar ah ula hadlay culi-mawdiinka, madax dhaqameedka, iyo dhalinyarada aqoon yahanka ah.

“Dhalinyarada waxaan leeyahay, saamaynta ay dadka dibadu idinku leeyihiin, waa inaad ka taxadartaan. Dhalinyarada inta caqliga u saaxiibka ah ee aqoonta leh na waxaan leeyahay, kuwa dibada ka soo hadlaya ee la addeegsanayo, waa inaad idinku saamayn ku yeelataan.

Cuqaasha waxaan farayaa in nabad-geliyadda ay u xil saaran yihiin waajibaadkii ay lahaayeen in ay ka qabtaan.

Culimadda gobolka, iyaga na waxaan leeyahay waa in ay u sarro-kacaan in nabad-geliyadu ay deganaato, oo ay bulshada ku hagaan, nabad-geliyadda oo ah shayga ugu muhiimsan ee qofka bini’aadamka ahi ku noolaanayo” ayuu yidhi Xasan Daahir Xaddi, guddoomiyaha gobolka Awdal.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...