Mooshin ku Saabsan Madax-bannaanaynta Xafiiska Imtixaanaadka oo la Geeyay Wakiillada

Date:

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha guud ee golaha wakiillada JSL, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay Mooshin ay keenen, kuna saxeexnaayeen 42 mudane, , kaas oo ay golaha kaga codsanayeen in goluhu curiyo xeer cusub oo u gaar ah madax bannaanaynta xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL.

Sidoo kale xoghaye Cabdirisaaq waxa uu sheegay in Mooshinka soojeedinta xildhibaanadu in uu ansaxay, isla markaana uu waafaqsan yahay qodobka 42-aad farqadiisa 1-aad iyo 8-aad, qodobka 43-aad, farqadiisa 1-aad iyo 3-aad xarafkeeda T, ee xeer hoosaadka golaha wakiillada Xeer Lr.01/2021-ka.

Waxaanu yidhi.“Sida ku xusan xeer hoosaadka golaha waxa waajib sharci ah in la helo mooshinkasta oo mudanayaasha goluhu golaha u soo gudbiyaan shuruudaha hoos ku xusan.

Sida ku cad qodobka 42-aad farqadiisa 2-aad ee xeer hoosaadka golaha, dood kasta ama arrinkasta oo goluhu ka doodayo waxa waajib ah inay mooshin ku timaado.

Haddaba Mooshinka 42-ka Mudane soo gudbiyeen isla markaana ay ku dalbanayaan in goluhu curiyo xeer cusub oo u gaar ah madax bannaanaynta xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL, waa mid waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 2-aad, sababto ah waxa ay golaha u soo gudbiyeen codsi Mooshin qoraala oo ay kaga dalbanayaan curinta xeerkaasi.

Sida ku cad qodobka 42-aad farqadiisa 8-aad Mooshinka waxa golaha keena kara tiro xildhibaano ah oo aan ka yarayn 11 xubnood, Mooshinkan hadda golaha horyaala waa mid waafaqsan shardiga ku xidhan Mooshinka ee tirada mudanayaasha ee uu waajibanayo qodobka 42-aad, farqadiisa 8-aad ee lala akhriyay qodobka 74-aad, sababto ah waxa Mooshinka keeni kara kuna saxeexaan 42 mudane.

Gaba-gabadii Mooshinka soojeedinta xildhibaanadu wuu ansaxay guddomiye iyo mudanayaalba, waana mid waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 1-aad iyo 8-aad, qodobka 43-aad, farqadiisa 1-aad iyo 3-aad xarafkeeda T, ee xeer hoosaadka golaha wakiillada Xeer Lr.01/2021-ka, oo lala akhriyay qodobka 74-aad farqadiisa labaad 2-aad ee Dastuurka JSL.

Sidaasi darted waxa aanu golaha u soo jeeinayna Mooshinka ka gutaan waajibaadka Dastuuriga si waafaqsan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad, 6-aad, 7-aad ee xeer hoosaadka golaha, golaha wakiilada Xeer Lr. Lr.01/2021-ka”

Waxa lataliyaha arrimaha sharciga ee golaha wakiilladu sheegay inay waafaqsan tahay sharciga.

Gaba-gabadii goluhu waxa uu cod gacan taaga ku meel mariyay mooshinkaasi, sidaasi ayaanu ku ansaxanay.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...