Abaanduulaha Ciidanka Qaranka oo Gobolka Hawd kala wareegay Kaalmo Xoolo ah

Date:

Hargeysa(Dawan):-Abaanduulaha Ciidanka  Qaranka Somaliland  Sarreeye  guuto Cabdirisaaq Siciid  Bullaale Afguduud iyo Taliyaha hawlgalinta  Ciidanka  qaranka Sarreeye guuto  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan  Cabdidheere ayaa  Maamulka Gobolka  Hawd kala  wareegay Kaalmo xoolo nool ah oo ay  ugu deeqeen  Ciidanka qaranka Somaliland.

Munaasibad shalay   lagu  qabtay taliska guud ee  Ciidanka  qaranka Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo kaalmada xoolaha ah oo ahayd  adhi ay kula  wareegeen Ciidanka qaranku ayaa waxa ka soo qaybgalay Abaanduulaha Ciidanka  qaranka Somaliland  Sarreeye  guuto Cabdirisaaq Siciid  Bulaale Afguduud Taliyaha hawlgalinta  Ciidanka qaranka Sarreeye guuto  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan  Cabdidheere Wasiirka  Wasaarada   Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir   Iimaan Warsame Wasiir  ku  Xigeenka  Wasaarada  Caafimaadka  Liibaan Yuusuf  Gaaxnuug iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Beeraha  Yurub  Abiib  Cabdi iyo Guddoomiyaha  Gobalka hawd Ceeleeye Xuseen  Aadan.

Abaanduulaha Ciidamada  qaranka Somaliland  Sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid  Bulaale Afguduud oo kaalmada adhiga kala wareegay  ayaa  sheegay in dadweynaha Somaliland garabtaaganyihiin  Ciidanka  qaranka.Waxaanu yidhi”Aniga iyo hogaamada  Ciidamada qaranka waxaan ka  gudoomay 600 oo  Neef oo  adhiya oo nalagu  wareejiyay oo Gobolka hawd ugu deeqay Ciidamada qaranka.xaga dawlad ahaan  Ciidamada  taakulada way  isku  filanyihiin, hase ahaatee  dadweynahayagu iyaga  oo  jecel  ciidan  kooda way garabtaagan yihiin oo iyaga oo  degmo  iyo Gobolba,”.

Wasiirka  Wasaarada   Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir   Iimaan Warsame ayaa  waxa uu tilmaamay in  gobalka  hawd barbar  taaganyihiin  Ciidanka qaranka.Waxaana uu yidhi”Waxa aad naga guddoontaan  deeq adhiya  oo Gobolka  Hawd  ugu deeqay  Ciidamada qaranka,waxa aanu  barbar  taaganahay Ciidanka qaranka waayo  ciidanku  waxay ilaaliyaan sharafteena,”.

Guddoomiyaha  Gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen  Aadan  ayaa   ku ammaanay Gobolka hawd ee  deeqdan adhiga ah ee ay ugu  deeqdeen ciidanka qaranka,waxaanu  yidhi”Hadaanu  nahay Gobolka  Hawd  waxa aanu  ku  wareejinaynaa  Ciidamadd qaranka 600  Neef oo adhiya,waxaana uga mahadnaqayaa   shacabka GobOlka Hawd oo  isku xilqaamay in ay  garabistaagaan Ciidanka  qaranka,”.

Sidoo  kale  Wasiir  ku  Xigeenka  Wasaarada  Caafimaadka  Liibaan Yuusuf  Gaaxnuug iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumatinta Beeraha  Yurub  Abiib  Cabdi ayaa waxa ay uga mahadnaqeen dadweynaha   Gobalka  Hawd adhigan ay ugu  deeqeen  Ciidamada  qaranka Somaliland.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...