Qabiilnimo Loo Sacabba Tumaa Xagee Lagu Gaadhi Karaa?

Date:

Qabiil waa magac, mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn. Waa magac, sida qudhac, maroodi, buur, iwm. Qabiilnimana waa ficilid.

Sida Qabiil weyn, qabiil tiro yar,  qabiil xoog badan, qabiil laandheere ah, qabiil laan-gaab ah, qabiil wanaagsan,, iwm. Marka qabiilka Qabiilnimo loo rogay ayay wax waliba innaga xumaadaan oo ficilkii qabiilnimo ayaa hadda noqday sun iyo waxyayaabo kala geynaya bahweyntii isku duubnaan jirtey oo waddaagi jirtay walaaltinimo isku soo hirasho.

Marka is-dhaleecaynta Qabyaaladda laga gudbo, qabiil waa isir iyo abuuran Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asuulankoodi hore u raad-raaca. Ceebi kuma jiri karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan laga laalaadin kolmo ceebeed. Marka arritan dhabnimo loogu daadego, nin xun qabiil waa ka dhashaa, hase yeeshee Qabiil xun bulsho kama dhasho.

Qabiil iyo qabyaalad?”. Qabiilka waa in aad ku abtirsataa awoowayaashaada taasina, way bannaantahay oo xitaa diinta Islaamka inna fartay, laakiin qabyaalad waa in qofka qabiilkiisa uu ku tageeraa dulmiga kana hormariyo dadka kale iygoon xaq u lahayn.

Qabyaaladu waa cudur meesha ay soo gashana way burburisaa. Bulsho kastoo ka fogaata qabyaalada way horumartaa. Qabyaaladu waxay leedahay dhibaatooyin badan Sababtoo ah qabyaalad waxay noo gaysatay burbur aad iyo aad u fara badan.

Akhristoo dhibaatada ay leedahay qabyaaladu waxaa kaaga filan tusaale in maanta meesha aan taaganahay waxyaabihii ina keenay ay ka mid tahay qabyaalada, walina aynaan ka toobadkeenin oo an ku taaganahay qabyaalad. Qabyaaladu meeshay soo gasho way baabiisaa, taasina waxaad ka arki kartaa qaaradaha isticmaala siday ka dhigtay.  Qabyaalada inta badan waxaa isticmaala qayb ka mid ah Afrika iyo Asiya, kuwa isticmaalaa waxay ku jiraan dhibaatooyin fara badan. Qabyaalad ma ogola aqoonyahanka ama indheer garadka, waxay garab istaagtaa jahliga iyo xumaanta mana ogola in ay bulshadu hormarto.

Dhibaatooyinka ay leedahay qabyaaladu waxaa ka mid ah.

Waa Qaran Dumis: waxaan ula jeedaa dal dhisan hadii uu bilaabo in uu isticmaalo qabyaalad waxaa meesha ka baxa caddaalada iyo nidaamka kala dambeyntii jirtay, mar hadii ay taasi dhacdo qarankaas wuu burburaa.

Qabyaaladu waxaa ay leedahay dhibaatooyin aad iyo aad u fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Xamse Jirde Axmed, Suxufi Madax-banaan

Hargeysa, Somaliland

Jirde2006@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...