Cusbitaalka Guud ee Burco oo la soo Gaadhsiiyay Qalab Caafimaad

Date:

Burco (Dawan): Maamulka cusbitaalka Guud ee magaaladda Burco ayaa la wareegay qalab caafimaad oo kala duwan oo ay soo direen jaaliyadaha reer Somaliland ee degan goboladda dalka Canada.

Qalab caafimaad waxaa soo diray jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka Canada, kuwaasoo ku soo caawiyay cusbitaalka Burco si addeegyadiisa caafimaad kor loogu qaado, isla markaana kor loogu qaado addeegyadda uu cusbitaalku siiyo bulshadda.

Waxaana qalabkaasi caafimaad la wareegay agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Burco Dr. C/raxiin Xiis Cabdi, oo uu wehelinayay isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer, iyo masuuliyiin kale.

Qalabkan caafimaad oo saarnaa ama lagu siday Koontiinar, ayaa isugu jira noocyadda kala duwan ee agabka loo addeegsado caafimaadka, kuwaasoo ay soo bixiyeen xarumo caafimaad, iyo jaamacado ku yaalla dalka Canada.

Xarumaha iyo jaamacadaha qalabkan caafimaad ay jaaliyadu ka soo qaadeen ayaa kala ahaa Mackenzie Health Richmond Hill Ontario Canada, and university Health Network Toronto Ontario Canada, sida uu sheegay agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Burco Dr. C/raxiin Xiis Cabdi, oo qalabakani ka wrbixinayay.

Dr. C/raxiin Xiis Cabdi, agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco oo ka dareen celiyay qalabkan caafimaad ee ay la wareegeen ayaa si weyn ugu mahad celiyada Somaliland ee degan dalka Canada, ee qalabka soo diray. Isagoo na xusay in qalabkani ay sida ugu wanaagsan ugu addeegi doonaan bulshadda gobolka Togdheer.

“Waxaanu halkan ku guddoonay qalab caafimaad, oo aanu u guddoonay cusbitaalka guud ee magaaladan Burco, kaasoo ay soo direen walaalahayaga jaaliyadda Canada, gaar ahaana Mackenzie Health Richmond Hill Ontario Canada, and university Health Network Toronto Ontario Canada.

Aad baanan ugu mahad celinaynaa. Waxaanan u sheegaynaa in alaabtaasi ay na soo gaadhay, waanan uga mahad celinaynaa labadda xarumood ee qalabkan soo bixiyay, ee dalka Canada” ayuu yidhi Dr. C/raxiin Xiis Cabdi, agaasimaha cusbitaalka guud ee Burco.

Geesta kale isku-duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamaed Cabdi Axmed (Abu-walad), ayaa isna ka mahad celiyay qalabkan caafimaad ee ay jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Canada soo gaadhsiiyeen cusbitaalka guud ee Burco.

Waxaanu tilmaamay in qalabkani uu wax weyn ka tari doono kor u qaadidda addeegyadda caafimaad ee uu bixiyo cusbitaalka guud ee magaaladda Burco, isla markaana ay jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Canada uga mahad celinayaan agabkan caafimaad ee ay soo gaadhsiiyeen cusbitaalka guud ee Burco.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu samayn doonaa in qalabkani sida ugu fiican loogu addeego bulshadda aad ugu tallo gasheen. Waanan idiinka mahad celinaynaa in aad agab caafimaad u soo dirtaan bulshadiinna. Sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa jaamacadaha, iyo cusbitaaladda dalka Canada, ee qalabkani laga soo qaaday”.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...