Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo la Wareegay Kaalmo Xoolo ah oo loogu talo galay Ciidanka Qaranka

Date:

Laasa-dacawo(Dawan):- Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi ayaa kaalmo xoolo ah kala wareegay Bulshad iyo wax garadka Deegaanka Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil, kaalmadaas  xoolaha ah ayay dadka deegaanku ugu talagaleen ciidanka Qaranka ee jiida hore ee Oog.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo hawlo shaqo ku tegay deegaanka Laasa-dacawo ayaa la kulmay duqayda iyo cuqaasha deegaanka oo ciidanka qaranka ku taageeraay  xoolo nool

Bulshada deegaanka oo madasha kaalmada xoolaha ah ay ku wareejinayeen ka hadlaya ayaa sheegay in kaalamda xoolaha ahi ay dhan tahay 246 neef oo adhi ah, taas oo ay ku taageerayaan bulshada deegaanku ciidamada qaranka ee Oog ku sugan.

Cuqaasha iyo waxgaradka Deeganka Laasa-dacawo ayaa sheegay inay naf iyo maalba la garab taagan yihiin ciidanka qaranka, isla markaasina ay ka soo hor jeedaan cid kasta oo ka shaqaynaysa wax yeelada ciidamada, sidoo kale waxa ay sheegeen inay markasta la garab taagan yihiin ciidanka qaranka wax kasta oo looga baahdo.

Sidoo kale waxgaradkan ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan dawladnimada iyo wada jirka bulsho, si bay yidhaahdeen uu dalku hore ugu socda, loona gaadho himilada qarankani hiigsanayo.

Gabo’gabadii gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi(Cali Case) oo madashaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay bulshada ku nool deegaanka Laasa-dacawo sida wadaniyada leh ee ay taageerada ugu muujiyeen ciidanka qaranka, waxaanu ka gudoomay deeqdaasi xoolaha ah ee caddadkeedu dhan yahay 246-ka neef.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa sheegay in aanay ahayn deeqdii u horeysay ee ay ka gobol ahaan ay ku taageerayaan Ciidanka Qaranka, balse ay marar hore u geeyeen taageero balaadhan ciidanka qaranka, waxa kale oo uu sheegay in dhawaana ay u gayn doonaan ciidanka qaranka deeqdii ugu badnayn ee ka gobol ahaan ay ugu talogaleen ciidanka qaranka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...