Komiishanka Xakamaynta HIV-AIDS oo Ka Wacyigaliyay Ardayda Jaamacadda Adna Aadan Khatarta Xanuunkaasi

Date:

Hargaysa (Dawan) Komishanka Xakamaynta HIV-AIDS-ka Somaliland ayaa wacyigalin u sameeyay ardayda wax ka barata Jaamacadda Adna Aadan ee magaaladda Hargaysa. Kaasi oo ku saabsan sidii loogu baraarujin lahaa khatarta xanuunka iyo sidii looga hor tagi lahaa.

Komishanka Xakamaynta HIV-AIDS ayaa sidoo kae waxa uu ardayda siiyay talaabooyin ay tahay inay kaga fogaadaan xanuunkan iyo siyaabaha ay isaga ilaalin karaan, sidoo kale waxa ay masuuliyiinta Komishanku ardayda ku wacyigaliyeen qaabka ugu haboon ee loo la dhaqmayo dadka la nool xanuunka HIV-AIDS iyada oo mar kastana laga feejignaanayo khatarta xauunkaasi.

Agaasimaha wacyigalinta Komisanka Xakamaynta HIV-AIDS Maxamed Xaaji Yaasiin oo ardayda la hadlay ayaa siiyay talooyin ku aadan sidii la isaga ilaalin lahaa xanuunka waxaanu ku wargeliyay inay sameeyaan Barnaamijka Baraarug oo ay ugu tala-galeen in bushada lagu baraabujiyo saamaynta taban ee uu xanuunkani ku leeyahay nolosha qofka iyo bulshadaba

Waxaanu yidhi “Wadamada Caalamka waxaa la sameeyay dawo, dawadaasi waxaa loogu talagalay inay Fayraska disho oo aanu si wayn ula dagaalamin unugyada jiidhka iyo dhiiga dabadeena ay ururiso, maanta markaa qofkii xanuunka qabay iyo kii aan xanuunka qabin waa isku mid, wakhtiyadii horena waxaa jirtay, qofka marka uu xanuunkani asiibo in markiiba calaamadaha laga arki jiray oo la dareemi jiray, laakiin maanta qofku haddii uu dawadiisa qaato in aan la dareemayn, markaa waxa weeye wacyigalintii aan u soconay ee Komishanka Xakamaynta HIV-AIDS-ku sidii aan idiin sheegay waxa Komishanka Gudoomiye ka ah Madaxwaynaha sidoo kale waxa la shaqeeyay todoba wasaaradooda, intaa xooga waxaa loo saarayaa si aanu inoogu fidin xauunku.

Sidaas ogtihiin xanuunkani Qaarada Afrika aad buu u saameeyay, sidaasi darted waxaa la doonayaan intiinaa maanta boqolaalka ah ee loo qabtay wacyigalinta in aanay idinka oo qudha idinku koobnaan fariintaasi ee aad is wada gaadhsiisaan qof kastan aad u sheegtaan, si loo ogaado xauunkii halka uu maraayoin wax inagu soo kordheen iyo in uu hoos u dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...