Kulmiye oo Shaaciyay in Maayir Mooge ka Mid Yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Date:

Hargeysa(Dawan)- Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge uu ka mid yahay Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Cabdinaasir Buuni oo shalay u waramayay Warbaahinta qaranka ayaa waxa uu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye yahay xisbiga kaliya ee ay sugantahay xubnaha Golaha Dhexe.

Cabdinaasir Buuni oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge waa xubin ka mida golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, maanta kama mid noqon golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu ka mid noqday Golaha Xisbiga Kulmiye Cabdikariim Axmed Mooge markii uu noqday Maayarka Magaalada Hargeysa labo sanno ka hor. maalintii la aasaasay ilaa Maanta Xisbiga Kulmiye waa Xisbiga kaliya ee ay sugantahay ee la yaqaano xubnaha Golaha Dhexe,qof kastana waala yaqaanaa Maalintii uu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye”.

Sidoo kale Cabdinaasir buuni ayaa waxa uu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye yahay ka ugu taageerada badan dalka.Waxaana uu yidhi”Xisbiga Kulmiye waa xisbi dhawr iyo labaatan sanno jira,waana xisbigu ugu wayn dalka awood ahaan iyo taageero ahaan iyo guulaha uu xaqiijiyay.waa xisbiga kaliya ee labo jeer ku guulaystay talada dalka,waana xisbiga Kulmiye waa mid ku suntan qaranimada Somaliland”.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...