“Xalku Wuxuu ku Jiraa Xeerka Ururada oo la Ansixiyo oo Jidka Doorashada Cagta la Saaro” Daahir Rayaale

Date:

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynihii sadexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa waxa uu talo-waayeelnimo, tilmaan iyo tusaaleba ka bixiyay habka ugu sahlan ee looga bixi karo wakhti xaadirkan muranka siyaasadeed ee dalk ka jira.

Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu tilmaamay in xalku yahay in loo diyaar garoobo sidii loo gali lahaa doorashada ururada siyaasadda, laguna diyaariyo xeerkii doorashada ururada muddo bil gudaheed ah, waxaanu u soo jeediyay dhammaan sadexda xisbi iyo ururada tartanka ku soo baxay inay isu diyaariyaan sidii ay u gali lahaayeen doorashada ururada.

Sidoo kale Madaxwaynihii hore ee Saomaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyay inuu soo curiyo xeerka ururada, una gudbiyo Baarlamaanka si ay waajibaadkooda uga gutaan, si looga baxa khilafka taagan.

Waxaanu yidhi.“Waxa qudha ee uu xalku ku iman karaa waa sharcigaa ururada oo la ansixiyo oo nidaamkaa doorshada cagta la saaro taas uun baa xal ah, in reer reer la isugu jawaabo iyo koox koox midna uma baahna. Inamadaa buurta fuulayna cidna uma hiilinayaan, magaca beeshan way ceebaynayaane ha ka soo dajiyaan buurta oo cod ha ugu hiilinyaan cida ay u hiilinyaan uma baahna in buur la fuulo iyo in qori la qaato wakhti loo baahan yahayna maaha, meesha aynu maraynaana meel dib looga noqdo maaha. Inamadaasi waxaan leeyahay cod ugu hiiliya cidaad u hiilinaysaan Somaliland-nimada ayuu madaxwayne ku noqonayaa cida aad u hiilinaysaan, ardaa kuma noqonayo madaxwayne’’

Sidoo kale Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa uu fariin u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka Saomaliland oo uu u soo jeediyay inay ilaalinyaan nidaamka hal dheerig ah ee ay u kala bataan waxaanu yidhi

Waxaanu yidhi. “Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyagana waxaan u soo jeedinayaa guddi garsoor baa tihiin uma shaqaysaan Xisbiyo iyo cid idin soo magacawday, tiradiinu waa todoba afar ka mid ahi waxa ay isku aacaan bay inta kale ku qasban yihiin, annaa ka baxay iyo anigaa halkan ka soo jeeday looma baahna masuuliyadaana waad u dhaarateene, waa in aad sideeda u fulisaan’’

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...