50 Qoys oo ka Tirsan Kaamka Qalax oo loo Sameeyay Maalgelin Ganacsi

Date:

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland iyo hay’adda SOS oo iskaashanaya ayaa 50 qoys oo ka tirsan kaamka Barakacayaasha Qalax u samayay Maalgelin ganacsi, taasi oo looga dan leeyahay in xal waara loo helo baahiyaha qoysaska ku nool Kaamamka Barakacayaasha Somaliland.

Baraanijkan Taakulo oo ay iska kaashadeen hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo hay’adda waddaniga ah ee SOS, ayaa waxaa loogu talogalay in bulshada ku nool Kaamka Barakacayaasha Qalax ay kaga maarmaan ku tiirsanaanta meel kale, una noqdaan bulsho iskeed wax u soo saarta waxna u qabsata.

Mudaasibada lagu wareejinayay Maalgelinta loo samaynayo 50-ka qoys ee ku nool Kaamka Barakacayaasha Qalax, waxa ka soo qayb galey guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) iyo masuuliinta hay’adda wadaniga ah ee SOS iyo sidoo kale qoysaska lagu wareejinayay maalgelintani.

Qoysaska maalgelinta loo sameeyay ayaa waxa loogu talo galay in qoys kastaa uu ganacsi ku furto lacag caddadkeedu yahay 450 dollar, ka hor inta aan loo samaynin maalgelintan qoysaskan ayaa qoys kastaa waxa ay soo diyaarsadeen fikrad ganacsi oo ay rabaan in laga caawiyo loona maalgeliyo si ay uga baxaan ku tiirsanaanta cid kale.

Madaxa mashuurca degg degg ah ee Hay’adda SOS oo madasha lagu maagelinyay 50-ka qoys ka hadley ayaa sheegay in maalgelintan loogu talogay in ay qoysaskani ku bilaabaan ganacsi yar si ay u gaadhaan himiladooda, ugana baxaan inay cid ku tiirsanaadaan.

Mustafe Faarax Cali madax mashruuca degg degga ah ee Hay’adda SOS ayaa madasha ka sheegay in lagu kormeeri doono qoysaskan maalgelinta loo sameeyay si loo helo ganacsi guulaysta iyo in laga maarmo in meelo kale ay ku tiirsanaadaan bulshad ku nool Kaamka Barakacayaasha Qalax.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo goob joog ka ahaa madasha loogu samaynayay maalgelinta 50-ka qoys ee ku nool Kaamka Barakacayaasha Qalax ayaa ku booriyay qoysaskaasi inay ka faa,iidaystaan maalgelinta ganacsi ee loo sameeyay si ay u noqdaan bulsho baahideed daboosha.

Sidoo kale gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Somaliland ayaa qoysaska ku nool Kaamka Barakacayaasha Qalax ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu faa,iidaystaan mashaariicda ay gaadhsiiyaan iyo sida ay uga muuqato deegaankood.

Sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa u mahad celiyay Hay’adda wadaniga ah oo uu sheegay inay marwalba garab taagan tahay dadka ku nool Kaamamka Barakacayaasha dalka, sidoo kalena waxa uu sheegay inay wada shaqayn wanaagsan leeyihiin Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...