Taiwan oo Ceelkii Shidaal ee Ugu Horreeyay JSL ka Qodaysa Badhtamaha Sannadkan 2024-ka

Date:

 

Hargeysa (Dawan) Bartamaha sannadkana 2024-ka ayay shirkada shidaalka CPC ee laga leeyahay Dalka Taiwan waxa ay qodaysaa ceelkii ugu horeeyay ee shidaal ee dalka Somaliland laga qodo, waxaanay dekadda Berbera u isticmaali doonta in ay khayraadka shidaalka ugu gudbiso suuqyada Caalamka ee xagga kala iibsiga shidaalka si loo gaadhsiiyo dalalka Dunida.

Waftigii ka socday Somaliland ee hawlaha shaqo u joogay dalka Taiwan ayaa la kulmay madaxda shirkada shidaalka dalka Taiwan ee CPC Cooperation, ahna shirkada shidaalka ee dalka Taywan.

Madaxda shirkada CBC ayaa waftiga Somaliland warbixin ka siiyay hawlaha shidaal qodista ee shirkada CPC Cooperation ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkadda CPC Cooperation ee shidaalka ee laga leeyahay dalka Taywan ayaa ka mida shirkadda dalka Jamhuurriyada Somaliland maalgashiga ka bilaabay.

Weftigan Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Ganacsiga Somaliland Mudane Wasiir Maxamuud Xasan Sacad, waxaa xubno ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Cabdirashiid Ibrahim, Maareeye Xigeenka Hay’adda Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Somaliland Cabdikarim Ibrahim,Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Mudane Maxamed XaaJi iyo ganacsatada labada wadan wakiilo metelaayay.

 

Tallaabada ay qaadeen Waftigii Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugna dalka Taywan ayaa ah guulaha wax ku ool ah ee la taaban karo ee ay gaadheen mudadii koobneyd ee hawlaha shaqo u joogeen dalkaasi.

Dhinaca kale, weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta Ganacsiga Somaliland Mudane Wasiir Maxamuud Xasan Sacad oo ayaa muddadii ay joogeen dalka Taiwan waxa kale oo ay kulan mihiimad weyn leh la qaateen Madaxweynaha dalka Taiwan, ahna guddoomiyaha golaha horumarinta ganacsiga dibadda ee Taiwan.

Wasiirka iyo kooxdiisu waxay soo bandhigeen rajooyin ganacsi oo badan iyagoo la kaashanaya shirkadaha caanka ah ee Taiwanese. Gole dhiirrigelin ganacsi ahaan, TAITRA waxa ay fududaynaysaa abuurista xidhiidho macno leh oo dhex mara shirkadaha Taiwan iyo Somaliland, si ay u kobciyaan natiijooyin labada dhinacba faa’iido u leh.

Wasiirka Horumarinta Ganacsiga Somaliland Mudane Wasiir Maxamuud Xasan Sacad oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan ka mahadcelinayaa doorka wanaagsan ee TAITRA ee kobcinta xidhiidhka ganacsi ee hadda ka dhexeeya labadeena dal. Hawlaha aasaasiga ah ee ay ka kooban tahay hay’addani waxay ka kooban tahay Cilmi-baadhista Suuqa iyo Adeegga Macluumaadka, Horumarinta Suuqa, Bandhigga iyo Adeegga Shirarka, Waxbarashada Ganacsiga, iyo Adeegga Shabkada.”

Sidoo kale, Waftigii Somaliland ee uu hoggaaminayay wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa booqasho ku tagey Dekedda dalka Taiwan ugu weyn ee Kaohsiung.

Wasiirka iyo waftigiisa oo toddobaadyadii ugu danbeeyay booqasho ku joogay dalka Taywan ayaa booqday dekadda ugu weyn dalkaasi, taas oo hogaamisa Dekedaha Taywan iyo aagga Ganacsiga ee Farglory.

Ujeedada booqashadaasi ayaa ahayd sidii hay’adahaasi ay iskaashi ula yeelan lahaayeen dhigooda Somaliland.

Waftiga ayaa intii ay ku gudda jireen kormeerkooda soo indha indheeyay qaabka ay u shaqayso dekadda weyn ee dalka Taywan, waxaanay masuuliyiinta Somaliland ee booqday dekaddu ka markhaati kaceen horumarka ay sameysay dekaddu.

Masuuliyiinta dekadda Taywan ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafti ka socda JSL, ee booqday dekadda, waxaanay balanqaadeen in ay Somaliland kala shaqayn doonaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...