Madaxweynaha Somaliland oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco Iyo Deegaannada Ku Teedsan

Date:

Bulshada Burco oo aan u kala hadhin soo dhawaynta Madaxweynaha

Burco (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu safar shaqo ku gaadhay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo shalay subax ka ambo baxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay, ayaa markii ay soo gaadheen duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Burco waxa kaga hor yimi maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, xubno xukuumadda katirsan, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ku lebisan astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland caleemo qoyanna lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo soo dhaweyni.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna u gacan haadiyey dadweynihii safafka ugu jirey soo dhaweyntiisa, isaga oo sidoo kalena gacan qaaday madaxdii, masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii soo dhaweyntiisa u taagnaa, waxana loo sii gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Burco.

Magaalooyinka ay ka mid yihiin Sheekh iyo tuulooyinka kala duwan ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, ayey madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sarraysa ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaannadaas ku dhaqani ka hor intii aanay Burco gaadhin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...