Hargeysa: Shirweynaha Waaxda Dhulka ee Dawladda Hoose oo Furmay

Date:

Hargeysa (Dawan)- Shirweynaha Waaxda Dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa shalay ka furmay Hotel Maansoor exe magaalada Hargaysa.

Waxaa shirkan ka soo qayb galay Maayirka Caasimadda, Xoghayaha fulinta, shaqaalaha waaxaha dhulka, shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Geosol.

Waxaa si adag looga doodday xal u helidda caqabadaha soo noq-noqda ee waaxda dhulka, waxaa war-bixinno iyo talooyin laga dhagaystay agaasimaha waaxda dhulka, maamulaha shirkadda Geosol, qaar ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka, gudddoomiyayaasha degmooyinka Caasimadda iyo xubno kale oo muhiim ah.

Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qayb galay Maayirradii hore ee Caasimadda Cabdiraxmaan Solteco iyo Eng Jiciir oo talooyin, tusaalayaal, khibrad, iyo waayo aragnimo, wixii ay u soo joogeen ka warramay kuna soo kordhiyey Shirweynaha Waaxda Dhulka Dawladda Hoose ee Hargaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...