Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Shirkadaha Keena Dawooyinka Xoolaha oo Isla Qaatay Illaalinta Tayada Daawada

Date:

Wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ayaa qabatay kulan ay isugu yeedhay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya dawooyinka xoolaha, isla markaana ka sii iibiyay xoola dhaqatada dalka, kuwaas oo iyagu gacanta ku haya dawada laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland ee xoolaha nool oo loo baahan yahay in laga taxediro illaalintooda.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland oo qaranka u qaabilsan dhawrida iyo illaalinta caafimaadka xoolaha dalka iyo sidoo kale Tayada dawada la siinayo ayaa kulan lagaga wada hadlayo sidii loo illaalin lahaa Tayada dawooyinka ay keenaan shirkadaha gaarka loo leeyahay la qaateen qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya daawooyinka Xoolaha nool.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland, Dr. Axmed Cali Maax, ayaa furay kulanka ay wasaaraddu isugu yeedhay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya dawooyinka xoolaha, kaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, isla markaana ay soo qaban qaabisay waaxda caafimaadka xooluhu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo kulanka ka hadlaya ayaa dareensiiyay masuuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee soo dejiya dawooyinka xoolaha nool qiimaha ay xoolaha nool ugu fadhiyaan dalka iyo dadkaba, waxaa kula dardaarmay in ay illaaliyaan Tayada daawada ay keenayaan iyo bad-qabkeeda.

Kulankan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo illaalinlahaa badqabka daawada iyo sidoo kale tayada dawooyinka xoolaha ee dalka la keeno.

Markii uu soo dhammaaday kulankaasi, waaxda caafimaadka xoolaha wasaaradda, ayaa shirkad kasta ku wareejisay natiijadii ka soo baxday baadhitaankii lagu sameeyay dawooyinka ay keenan.

Gaba-gabadii shirkaddaha daawooyinka keena ayaa soo dhaweeyay dadaalka wasaaraddu ay waddo, iyaga oo u arkay tallaabo xagga wanaagsan loo qaaday iyada oo laga duulayo caafimaadka xoolaha nool, maadama xoolaha nooli yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...