Safiirka Somaliland u Fadhiya Norway oo Shir la Yeeshay Jaaliyadda Degan Dalkaas

Date:

Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Norway Maxamed Aadan Liilaan, ayaa kulan u qabtay Hal-doorka jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku nool.

Kulankaaa ayaa lagaga wada-hadlay xoojinta Midnimada Jaaliyadda, taageerada Ciidamada Qaranka Somaliland iyo dadkii ku Hanti-beelay suuqii gubtay ee magaaladda Tog-Wajaale.

Waxaana kulankaasi markii uu soo dhamaaday saxaafadda uga war-bixiyey Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Maxamed Aadan Liilan, waxaanu tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid aad iyo aad u muhiim ah.

Waxaanu yidhi “Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad iyo aad muhiim u ah oo jaaliyadda Norway ee Somaliland iskugu timid, wuxuu daaranaa in aanu jaaliyadda war-bixin ka siino waddankii hooyo, iyo in aanu xoojino Midnimada Jaaliyadda iyo in aanu ka wada-hadalno in aanu ka qayb-qaadano taageerada Ciidamada Qaranka  iyo taageerada suuqii Wajaale oo hanti badani ay inagaga gubatay.

Wuxuu ahaa shir aad u muhiim ah oo Aniga iyo Jaaliyadda’ odayaasheeda iyo Waxgaradkeeda aanu isku waydaarsanay war-bixino badan”.

Safiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu sheegay in waxyaabihii kulankaasi la iskula qaatay ay ka mid ahaayeen in Cusbitaalka degmadda Oog wixii uu qalab u baahan yahay ay u soo diraan.

Waxa kaloo uu safiirku xusay in ay isla qaateen jaaliyadu in ay guddi u saaraan taageerada suuqii Tog-Wajaale ee gubtay.

“Waxaanu isla garanay in aanu ka qayb-qaadano horumarinta waddankeena, difaaca waddankeena iyo in aanu meel uga soo wada jeedsano taageerada Ciidamada Qaranka JSL, waxyaabihii aanu isla qaadanay waxa ka mid ah in Cisbitaalka Oog wixii uu qalab u baahan yahay aanu u dirno.

Waxa kale oo aanu isku raacnay inaanu guddi u saarno taageerada suuqii Wajaale ee gubtay”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...