Somaliland: Hoggamiye Xirso OoKu Gacan Saydhay Inu Ku Soo Biiro Xisbiga Cabdillai Cirro

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa la sheegay inuu ka cago jiidayo qorshe Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) uu ugu biirayo Xisbigaas.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga Waddani, hase yeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyee ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow Xisbigaas, ayaa tibaaxay in Hoggaamiyaha Xisbigaas iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro isku maan-dhaafeen in Xisbiga loo ogolaado inuu ku biiro Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cabdilaahi Cirro, kaas oo wakhtigii uu xilka hayey xabsiga dhigay Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana ku xidhiidhiyey Ururrada argagixiso.

Warku waxa uu intaas ku daray in Hoggaamiye Xirsi uu diidmadiisa oo sababaysan u gudbiyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo xusay in Mr. Cirro shakhsi aan lagu kalsoonaan Karin, oo hore  eedo magac dil u ugu sameeyey Xirsi ahaan.

Sidoo kale waxa uu Hoggaamiye Xirsi u sheegay Guddoomiyaha Waddani in aanu Cabdilaahi Cirro wax weyn ku soo kordhin doonin Xisbiga, isla markaana aanu la saameyn ahayn Ismaaciil yare iyo Abiib tima Cad.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xusay in madaama oo ay yihiin Xisbi Mucaarad ah u baahan yihiin in ay kasbadaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta hore xilalka uga soo qabtay Somaliland.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan wax laga weydiiyey khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo isaga iyo Guddoomiyaha Xisbigaas, ayaa beeniyey khilaafkaas la weriyey, waxaannu “Walaal waxba kama jiraan oo waa iska hadal daciif ah, warbaahin kalena kuma arage waxaan ku arkayay warbaahinta KULMIYE taageera, waxaan u qaatay uun qolada Kulmiye inaanay waliga quusan waa wanaag iyo kal-gacal ay isleeyihiin malaha Xirsi wuu idiin soo noqonayaa waxaan leeyahay xisbigayaga Khilaaf kama jiro, wax dhib ahi kama jiraan, shaqadana marba inbaa qabata aniga iyo Cabdiqaadir waanu joogna, guddoomiyihii iyi kuxigeenkii murashuxna labada gobol (Sool iyo Sanaag) ayay ku kala maqan yihiin si fiican bay noogu socotaa shaqadu, xisbigayaguna waa xisbi shaqadiisa iyo hanaankiisu isku duba dhacsan yahay”. Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u warramayey Telefishanka Eryal TV.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha ee Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa hore u sheegay inuu ku biirayo Xisbiga Waddani.

 

Comments

comments