Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka oo Shir La yeelatay Wasaarradaha dawladda ee ay Bah-wadaagta Yihiin

Date:

Hargaysa (Dawan): Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ayaa shalay magaaladda Hargaysa kulan uga furtay hay’addaha dawladda ee ay bah-wadaagta ku yihiin arrimaha maaraynta masiibooyinka.

Kulankaas oo uu furay guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka, iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayay u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta bulshadda, isla markaana loo siin lahaa tababaro la xidhiidha maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale waxaa kulankaasi inta uu socdo dib u eegis lagu samaynayaa buug ku saabsan arrimaha maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah oo ay hore u soo saartay hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagu gorfaynayaa qaabka ugu habboon ee loogu diyaar garoobayo aafooyinkan joogtadda ah ee dhaca, kuwaasoo aan ahayn wax dalkeena oo keliya ku kooban, balse ka dhaca wadamadda gobolka Geeska Afrika, iyo caalamka kaleba.

Sida uu sheegay guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka, iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh , oo si rasmiya u furay kulankaasi. Waxaanu sheegay in kulanka lagu gorfayn doono sidii bulshadda loogu gudbin lahaa wacyigelino ku saabsan qaabka ugu haboon ee looga gaashaanto masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxaanu yidhi “Kulankan waxaa lagu gorfaynayaa qaabka aynu ugu diyaar garoobayno dhibaatooyinkan joogtadda ah ee dhaca. Masiibooyinka dabiiciga ah maaha, wax dalkeena oo keliya ku kooban, balse waa wax gobolka Geeska Afrika, iyo caalamka kaleba ka dhaca.

Innaga qaran ahaan, marka laga hadlayo masiibooyinka dabiiciga ah waxaa inoogu xoogan Abaarraha oo taariikh dheer innagu leh. Abaarihii waayadii hore dalkeena ka dhici jiray khasaaruhu wuu yaraan jiray, laakiin imika waxaad mooddaa in ay sanado isku xig-xiga dhacaan, kana khasaare badan yihiin”.

Waxa kaloo uu sheegay Faysal Cali Sheekh, in sanadahan danbe ay soo kordheen duufaano iyo masiibooyin dabiici ah oo aan hore dalkeena uga dhici jirin, kuwaasoo ay ka mid yihiin roobabka dabaylaha wata, iyo abaaraha soo noq-noqday.

“Waxa kaloo innagu soo biiray imika masiibooyinka kale sida Duufaanadda, iyo roobabka dabaylaha wata. Kuwaana khibrad badan umaynaan lahayn, laakiin shanti sanadood ee u danbeeyay illaa afar ayaa dalkeenna ka dhacay, oo ay ugu horraysay tii xeebaha dhibaatadda badan ka gaysatay” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland.

Geesta kale Faysal Cali Sheekh, ayaa tilmaamay in qaran ahaan loo baahan yahay in aan kordhino aqoonta loo leeyahay, iyo u diyaar garowga ay dadkeenu u leeyihiin masiibooyinka dabiiciga ah, maadaama ay wax adduunka ku soo noq-noqonaya yihiin, kuwaasoo ka dhashay isbedelka cimiladda.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaynu u baahan nahay in aan kordhino aqoonta loo leeyahay, iyo diyaar garowga ay dadkeenu u leeyihiin masiibooyinka dabiiciga ah, maadaama ay wax adduunka ku soo noq-noqonaya yihiin, kuwaasoo ka dhashay isbedelka cimiladda… ama roob yaraan ha noqoto, ama duufaanadan soo kordhay ha noqoto, ama dabka, ama Ayaxa. Markaa waa wax u baahan in aynu bulshadeena barno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...