Wasaaradaha Ciyaaraha iyo Caafimaadka oo iska kaashanaya Badqabka Caafimaadka Ciyaartoyda

Date:

Hargeysa(Dawan):-Wasaaradaha   Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Caafimaadka ayaa iska  kaashanaya hubinta   daryeelka iyo badqabka Caafimaadka  Ciyaartoyga.

Agaasimaha  guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Cabdirashiid   Caydiid  Yaasiin  ayaa sheegay in Wasaarada Caafimaadka ay ka wadahadleen in la hubiyo  badqabka  Caafimaadka Ciyaartoyga.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu kulan  wada  qaadanay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye,waxaana kulankaasi ku sahabsanaa badqabka hubinta   iyo  Daryeelka  Ciyaartoyga ee dhinaca Caafimaadka.bishan  gudaheeda  alle, ha,Unaxariistee labo  Ciyaartoy ayaa ku geeriyooday, iyagoo  ku guddo  jiray ciyaar  kubada cagta.anaga oo ka gudanayna waajibaadkii  aanu u xilsaarnan waxa aanu la kaashanaynaa  Wasaarada Caafimaadka in la  hubiyo badqabka Caafimaadka Ciyaartoyga hadii  tahay dhiigu in uu ku filanyahay iyo nafaqada iyo in Ciyaartoyga  laga  baadho in ay isyicmaalaan dawooyinka  daraagiska oo Wasaarada Caafimaadka gacan naga siiso baadhitaankooda,”.

Sidoo kale  Agaasimaha  guud ee  Wasaarada  Horumarinta  Caafimaadka Maxamed   Cabdi Xergeeye ayaa waxa uu tilmaamay in muhiimtahay badqabka xaalada  Caafimaaf ee  Ciyaartoyga.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu isku nimid Wasaarada dhalinyarada  iyo Ciyaaraha hawl  qaranka muhiim u ah,sidii  looga  hawl gali lahaa  badqabka  xaalada  Caafimaad ee  Ciyaartoyga.waxaana muhiima in la hubo  badqabka  Caafimaadka ee  Ciyaartoyga lana  hubiyo in Ciyaaraha gali  karaan iyo guud ahaanba xaaladiisa Caafimaad,waxyaabahaas  dhan waxa ay u baahanyihiin  in laga  warhayo Caafimaadka  Ciyaartoyga,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...