“Maanta waa in aynu iska Dhigno Dan Xisbi iyo mid Qabiil ba oo aan Qaranka isu Taagno.”Mudane Saylici

Date:

Hargaysa(Dawan):-Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa shalay xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon.

Cabdiraxmaan Saylici, oo hadal ka jeediyay xil wareejintaas ayaa ugu horayn guddoomiyaha cusub xilka loo doortay ugu duceeyay inuu ALLE SWT ku asturo. Isagoo  xildhibaanadda golahaasi ku dar-daaray in ay u wada shaqeeyaan hannaan qaranimo, isla markaana ay iska dhigaan Shaadhka xisbinimo, iyo midka qabiil ba.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, iyo sidoo kale xaaladda maalmahan ka soo korodhay gobolka Saaxil. Waxaanu ku baaqay Saylici, in dhamaanba xukuumadda, waxgaradka, iyo goleyaasha qaranku ay ka hawl galaan sidii xaaladda gobolka Sool wax looga qaban lahaa.

Waxaanu yidhi “Waan kuugu ducaynayaa xilkaa laguu doortay inuu ALLE SWT kugu asturo. Waa in aynu iska dhigno Shaadhadhka kale, ee danteena inaga luminaya. Haday mid xisbi tahay, iyo haday tahay Shaadh qabiil, ama beello.

Waxaa inaga maqan oo aynaan ku faraxsanayn, qayb dhan oo gobolka Sool ka mid ah. In aynu xaflado qurux badan ku qabsano Hargaysa, oo ay ina dhibi waydo, shacbiga inaga maqan ee barokacay, iyo dhibaatadda dhacday. Sidii aan u xallin lahayn na waa in aan meel uga soo wada jeedsano, oo waa masuuliyad ina wada saaran.
Dalkani sidii lagu yaqaanay, ama aan ku soo dhisanay, in aan…. iyadoo ay maanta soo biirtay, in dhalinyaro reer Somaliland ka mid ahi, in ay iyagu na Buuraha koreen, oo ay dagaal u baxeen. Taasi na Nabar labaad oo inagu soo kordhay ayay noqotay”.

Geesta kale Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu xusay in loo wada guntado sidii loo xalin lahaa wax kastoo dhibaato ah oo dalka ka taagan, haddii ay tahay waxgaradka, acyaanta, xukuumadda, xisbiyadda, iyo goleyaasha qaranka ba.

“Hadaba sidii la inagu yaqaanay waa in aan dhexda u xidhano dhamaanteen ba,

Masuuliyiin, waxgaradka, iyo dadka acyaanta ah, ee marka wax dhacaan soo gurman jirtay, waa in aan dhibka la eegan.

Annagu haddii aanu xukuumada nahay, iyo haday xisbiyadda qaranka yihiin ba, waxaa la hayaa waa hawl qaran. Masuuliyad baa ka saaran, odayaasha, iyo waxgaradka, iyo goleyaasha qaranka in ay hawlaha soo dhex galaan, haddii xukuumadii iyo xisbiyadii ay meel adag isla gaadheen. Waana in aan hawlahaa la isku daawan, oo hoos loogu dego, oo cidda gaar wax u maroorsanaysa loo sheego qaladkiisa. Qarankan cid na cid kama laha, masuuliyadda ninka loo doortay na shacabka ayaa u doortay, kuwa kale ee doonaya in la doorta na xaq bay ku leeyihiin qaranka” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...