Dadweynaha Degmada Dacarta oo Deeq Xoolo ah ku Guddoonsiiyay Ciidamada

Date:

Hargeysa (Dawan)Dadweynaha ku dhaqan degmada Dacarta ee ka tirsan Gobalka Maroodijeex ayaa boqol Neef oo Adhiya ugu deeqay Ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Munaasibad lagu wareejinayay deeqdan xoolaha ee adhiga ee degmada Dacarta ugu deeqday Ciidanka Birmadka ee Booliska ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim Timo jilic Taliyaha Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska Sarreeyo guuto Ibraahim Cabdi Xaaji

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Maroodijeex Khadar Baaruud Guddoomiyaha degmada Dacarta Mustafa Siyaad AwCismaan iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maxamuud Jaamac Warfaa oo halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in deeqdan adhiga ee dadweynaha degmada Dacarta ugu deeqeen Ciidamada aanay ahayn tii ugu horaysay.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu ku wareejinaynaa hogaanka hawlgalinta Ciidanka Booliska deeq adhiya oo dhan boqol neef oo adhiya oo degmada Dacarta ugu deeqday Ciidamada qaranka,maaha deeqdii ugu horaysay noqon maysana tii ugu dambaysay.waxaana aan u mahadcelinayaa dadweynaha degmada Dacarta sida hiil iyo hooba ula barbar taaganyihiin Ciidamada Somaliland,”.

Taliyaha Hogaanka Hawlgalinta Ciidanka Booliska Sarreeyo guuto Ibraahim Cabdi Xaaji oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu uga mahadnaqay dadweynaha ku dhaqan Degmada Dacarta ee Xoolaha ugu .deeqay Ciidamada.Waxaana uu yidhi”Waxa aan uga mahadcelinaynaa Deeqdan adhiga oo ay keeneen Maamulka iyo madaxda Degmada Dacarta,oo ay ugu talogaleen in ay ku wareejiyaan Ciidanka Birmadka ee Booliska oo ka mida Ciidamada qaranka waanu ka gudoonay boqolkaa Neef,”.

Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim Timo jilic ayaa waxa uu tilmaamay in degmada Dacarta ilaa wakhtigii la magacaabay ay garabtaagnayd Ciidanka qaranka.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu soo dhawaynaynaa Maamulka degmada Dacarta oo Ciidanka qaranka ugu deeqay deeq adhiga,ilaa maalintii la magacaabay degmada Dacarta waxa ay garabtaagnayd Ciidanka qaranka,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Dacarta Mustafa Siyaad AwCismaan ayaa waxa sheegay in dhawr bilood ka hor deeqdan oo kale soo gaadhsiiyeen dadweynaha degmada Dacarta Ciidamada qaranka,isla,markaana aanay ahayn markii ugu horaysay ee deeq adhiya ugu deeqaan Ciidamada qaranka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...