Madaxweyne Xigeenka JSL oo Kormeeray Mashruuca Biyo Gelinta Magaalada Boorama

Date:

Borama (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kormeeray mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Biyo balaadhinta magaalada Boorama ayaa socotay muddooyinkii u danbeeyay iyada oo lagu hawlanaa sidii loo dhammeystiri lahaa, isla markaana magaaladu u heli lahayd biyo ku filan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa warbixin ka dhageystay duqa magaalada Borama, guddoomiyaha gobolka Awdal, madaxa shirkada biyaha Shaaba iyo maareeyaha shirkadda maamusha biyaha Boorama Cabdiraxmaan Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar, waxaanay dhammaantood iska dabamareen in xukuumaddu dadaal xoogle ku bixisay sidii loo helilahaa biyo dadka ku filan, waxaanay xuseen in mashruucan laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Geesta kale waxa ay sirasmiya u shaaciyeen in dhawaan la dhammeystiri doono mashruuca biyo balaadhinta magaalada Borama.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) madaxweyne ku xigeenka JSL, ayaa sheegay in xukuumaddihi kala danbeeyay ee dalka soo maray sameeyeen dadaal dheer, isla markaana ay ku guulaysteen in magaalada Borama hesho biyo ku filan, dhawaana laga raysan doono lagana bixi doono biyo yaraantii ka jirtay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

“Mashruucani muddo 8 sannadood ah ayuu socday, waxaana soo bilowday xukuumaddii uu hoggaaminayay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sahand dheer kadib xarunta biyo soo saarka labaad ee magaalada Borama ayaa lagu guulaystay, taas oo laga hirgeliyay galbeedka magaalada Borama, waxaana mashruucan laga maalgeliyay Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, wakhti dheer ha qaato hana rafto hadda waxa muuqata shaqo dhaxalgala ceelal iyo taangiyo biyood, inta yar ee hadhayna waxa iska kaashan doonta dhammeystirkeeda xukuumadda iyo hay’addaha, bulsho badan oo beebabka biyuhu ugu jireen oo aan biyo heli jirin ayaa hadda loo siidaayay si ay u cabaan cid biyo waayaysana majirto, wixii cusub ee la talaalayo mooyaane”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...