Gacantiisa ayuu ku Saxeexay Cirro Qaraarka uu Diidayo”

Date:

Hargeysa (Dawan) Urur Siyaasadeedka KAAH ayaa aqbalay go’aamadii gudida Beesha Bariga Burco ee is xilqaamay ay ka soo saareen Khilaafka Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay u tanaasuleen danta iyo maslaxada dadka Somaliland, isla markaan ay qaateen go’aamadaa gudidaasi ka soo saareen in marla wada qabto Doorashooyinka,

Maxamuud Xaashi Cabdi oo arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi “Urur Siyaasadeedka KAAH waa mid xambaarsan himilooyin iyo hami Siyaasadeed oo fog, kaas oo ay ku bahoobeen aqoonyahano, Xildhibaanno, Dhalinyaro iyo in badan oo waxgaradka bulshada ka mida. waxa ka go’naa Urur Siyaasadeedka KAAH in xisbi qaran uu noqdo oo tartanka Doorashooyinka ka qaybgalo .gudida beelaha Habar Jeclo waxa ay soo saareen go’aamo ay u arkeen maslaxada iyo danta Umadda oo ah talo soo jeedin waxa aanu si buuxda u taageeraynaa go’aamadaa beesha Habar Jeclo ee turunturada ku ah Urur Siyaasadeedka KAAH.waxaana aanu u tudhaynaa dadkayaga tabaalaysan waxaana aanu u tanaasulaynaa danta iyo maslaxada dadkayaga,”.

Sidoo kale Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu fariin u diray Xisbiyadda Mucaaradka ah waxaana uu yidhi “Xisbiyadda Mucaaradka ee siday doonayeen loo yeelay, ayaa Musharax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu yidhi qadhaadhka ayaanu ku liqaynaa alahayoow haday indhaha gardarani ooyaan kuwa gartalihina maxay yeelayaan. gacantiisa ayuu ku saxeexay Cabdiraxmaan Cirro qaraarka uu diidayo isaga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu Xisbi ku noqday. madaxweynaha waan uga mahadnaqayaa in uu sharciga ku adkaa haseyeeshee tabaalaha yimid darteed isagana go’aankani waa u dan, waxa lagu ciiray rag Umadda usoo halgamay oo taariikh ku leh oo rag badan uga abaal badan”.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...