Madaxweynaha Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 8-aad ee ka Qalinjebisay Jaamacadda Culuumta Badda

Date:

Berbera (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 65 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda culuumta badda iyo kalluumaysiga ee Berbera, kuwaas oo ah dufcaddii 8-aad ee ka baxda jaamacaddaas.

Madaxweynaha qaranka oo safar shaqo ku jooga Berbera, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 65-arday oo baratay culuumta badda iyo kalluumaysiga, kuwaas oo ka qalinjebiyey jaamacadda Berbera.

Munaasibadda qalinjebinta Berbera oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, hoggaanka jaamacadda Badda ee Berbera iyo macallimiinta, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale, ayaa lagu bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana lagula dardaarmay inay dalkooda uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen.

Ugu horrayn, guddoomiyaha jaamacadda culuumta badda Berbera, Mudane Cabdiqani Maxamed Khayre oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka ay jaamacad ahaan geliyeen sidii ay ardaydani u aflixi lahaayeen, isaga oo hambalyeeyey ardayda qalinjebisay iyo macallimiintii kusoo tacabtayba.

Saleebaan Cabdilaahi Caddib oo ku hadlay Boodhka Jaamacadda Berbera, ayaa bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana uu sheegay inay u hagar baxeen ardayda, muddo dheerna kusoo tabceen.

Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey ardayda qalinjebisay, waxana uu ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba uga faa’iideeyaan culuumta lasoo baray muddadii ay jaamacadda ku jireen.

Maareeyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, guddoomiyaha gobolka Saaxil, mudane Cali Cabdi Cabdilaahi iyo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood hambalyeeyey ardayda loo fooladeeyey, waxana ay u rajeeyeen mustaqbal ifaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa hambalyeeyey ardayda ku takhasustay culuumta badda iyo kalluumaysiga, waxana uu kula dardaarmay inay dalka kusoo celiyaan abaalkii la geliyey, waxana uu yidhi, “Waxa farxad iyo Sharaf weyn Ii ah inaan maanta ka qaybgalo munaasibadda loo qabanayo kooxda ka qalinjebinayso akaadamiyadda culuumta badda, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta hawshaas soo galayna waxan ku hambalyeynayaa hawsha qaran ee ay soo galeen.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey ardayda qalinjebisay oo noqonaya dufcaddii siddeedaad ee ka qalinjebiya Jaamacadda Berbera.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...