15 Xannuun Ayaan Yeeshay Ee ILLAAHEY Dartii Ii Soo Caawiya, Intaanay Taydii Noqon” Hooyo Khadan

Date:

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Hooyo Khadan Nuur Guuleed, oo degan magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ay xannuun Kelyaha ka haleelay la nooshahay muddo 14 sano ah.

Hooyadani waxa ay sheegtay in Kelyaha ay ka soo baxeen nabaro sidii Fiixda oo kale ah, waxaanay xustay inay dhakhaatiirtu ku wargelisay in ay si deg dega u tagto dhakhtar dibeddeed, balse aanay haysan awood dhaqaale oo ay ku tagto.

Hooyadani waxaa ay hoosta ka xariiqday iyada oo xannuunka haya uu dhakoorkeeda ka muuqdo in aanay lahayn wax ehel iyo qaraabo ah.

Hooyadani waxa ay baaq u dirtay cidkasta oo ka caawinkarta awooda dhaqaale ee ay weyday inay ku banaato xaaladeeda caafimaad, si ay si deg dega ugu tagto goobaha caafimaadka ee ay dhakhaatiirtu kula taliyeen.

Waxaaney tidhi.“Afar iyo toban sano ayaan xanuunsanayay, Kelyaha ayaa la iga soo baxay, markii xannuunkaasi aan isku arkayna Somaliland iyo Itoobiya uunbaan u dhaxeeyay, Fiixdaasi iyada oo Hadhuudhka laa’le’eg ayay Kelyahayga ka soo baxday, awoodna waan waayay.

Hooyo malihi, aabo malihi, walaal wax iiqabta malihi, gacal kale oo icaawiya oo wax iiqabta malihi, imikana Kelyahaygii waaka soo bixi sidaas ku noqday, awood iyo itaal toona malihi, ma socon karo, wax makarsan karro, wax ma maydhan karro.

Macaan, dhiikar iyo beer-subag ayaan yeeshay, habeen iyo maalin sariirtaasi ayaan dul saaranahay awood dhaqaale oo goobo caafimaad ku tagana ma haysto, dhakhaatiirtuna waxa ay igula taliyeen ama Maleysiya u bax ama Jarmal, marka bulshada Muslimiinta waxaan ka codsanaya qofkii wax ii qabankaraya in uu wax iiqabto.

Si deg dega ayaan caawimo ugu baahanahay haddii ay culimo tahay, hadii ay ganacsato tahay iyo haddii xukuumadda JSL, tahayba in ay i soo caawiyaan, ina soo duceeyaan in la iga waayo oo ILLAAHEY iga dulqaado”

Haddaba walaal ciddii ILLAAHEY dartii u caawinaysa ama wax ula baxaysa waaliidkood hakala xidhiidhaan telefoon lambarka 0634846986.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...