Tababaraha Xulka Qaranka Masar Oo Dabka Kusii Shiday Xiisadda U Dhaxaysa Liverpool Iyo Mohamed Salah Ee Haddii Uu Ka Maqnaan Doono Bilowga Xili CIyaareedka Dambe

Date:

Tababaraha xulka qaranka Masar ayaa dabka kusii qabtay xiisadda u dhaxaysa weeraryahanka Mohamed Salah iyo kooxdiisa Liverpool, taas oo ku saabsan warar suuqa soo galay oo ah in uu laacibkani ka maqnaan doono bilowga xili ciyaareedka dambe ee Premier League oo uu qarankiisa waqti siin doono.

Mohamed Salah ayaa la sheegay inuu qayb ka noqon doonox ulka qaranak Masar ee ka qayb-geli doona ciyaaraha Olympics-ka oo lagu qaban doono magaalada Japan ee waddanka Japan, hase yeeshee, xilligu uu tartanku bilaabmayo ayaa waxa uu ku beegan yahay bilowga xili ciyaareedka dambe ee Premier League.

Tartankaas oo ay ka qayb-geli doonaan ciyaaryahannada ay da’doodu ka hoosayso 23 jirrada, waxa waddan kasta loo ogol yahay saddex ciyaartoy oo ay da’doodu ka weyn tahay 23 jir, waxaana xulka Masar ay doonayaan in qarankooda uu hoggaamiyo Mohamed Salah oo 27 jir ah.

Arrintan oo xiisad ka abuurtay Anfield, waxa ka hadlay tababaraha xulka qaranka Masar, Shawky Gharib oo qiray in damacoodu yahay in Salah uu hoggaamiyo waddankooda, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay marnaba ku qasbi doonin xiddigooda inuu tartankaas tago haddii aanu raalli ka ahayn

“Kuma qasbi karno Salah inuu nagala qayb-galo tartankaas, laakiin in uu qayb ka noqdo xulka Pharaohs, waxay noqon doontaa go’aan ay gaadhi doonaan Salah, kooxdiisa Liverpool iyo tababarihiisa Jurgen Klopp” Ayuu yidhi tababarahha xulka qaranka Masar, Shawky Gharib.

Tababare Shawky Gharib waxa uu xaqiijiyey in Mohamed Salah uu ku daray liiska ciyaartoyga 50ka ah ee uu bisha June ka dhex xulan doono 18 ciyaartoy oo uu magaalada Tokyo u kaxaysan doono.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...