Qisadii Jacaylka Ashley Cole Iyo Meghan Markle, Qaabkii Uu Prince Harry U Soo Dhex-galay Iyo Siro Cusub Oo La Helay

Date:

Dhaxal-sugaha Boroqtooyada Britain ee Prince Harry, waxa uu guursaday haweenayda caanka ah ee hore u ahaan  jirtay Atariishada metesha filimada Maraykanka ee Meghan Markle, laakiin ka hor intii aanay noqonin xaaskiisa, waxa jirtay qiso jacayl oo ka horreysay.

Markle waxay xidhiidh jacayl lahaayeen xiddigii hore ee kooxaha Chelsea, Arsenal iyo xulka qaranka England ee Ashley Cole, laakiin waxa dhexda kaga soo dhacay Prince Harry oo burburiyey jacaylkooda.

Gabadhan 38 jirka, waxay dhowaan ku qasabtay Prince Harry inuu iskaga baxo qasriga Boqortooyada oo uu ka tanaasulo hammigiisii ahaa inuu dhaxlo boqortooyada, isla markaana laga tirtiro liiska dadka qaban karaya xilka boqornimada.

Megham iyo Prince Harry waxay doonayaan inay bilaabaan nolol cusub oo aan xaddidaad iyo xidhxidhnaanta boqortooyada lahayn, waxaanay u guurayaan waddanka Canada oo ay si xornimo leh doonayaan inay ugu noolaadaan.

Haddaba warbaahinta Ingiriiska ayaa soo bandhigtay qiso jacayl oo ka dhaxaysay Ashley Cole iyo Megham Markle ka hor intii aanu Prince Harry soo dhex gelin.

Cole iyo Megham waxay bilaabeen inay xidhiidh jacayl yeeshaan xilli uu difaaca hore ee Enland lahaa xaas, taas oo si buuxda u noqonaysa in ay lahaayeen xidhiidh khiyaano ah oo ugu dambayn keentay in uu burburo qoyskii Ashley Cole.

Xaaskii hore ee Ashley Cole oo la odhan jiray Cheryl Cole, ayaa ogaatay xidhiidhka ka dhexeeya saygeeda iyo Meghan, laakiin layaabka jiray waxa uu ahaa in atariishada Megham Markle aanay ku koobnayn Ashley Cole oo kaliya ee ay xidhiidho la lahayd laba qof oo kale oo ahaa Max George iyo Oliver Cheshire.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aan la hubin saamaynta ay sheekadani ku yeelan karto qoyska boqortooyada, warbaahintuna may bixinin saadaal la xidhiidha qaabka uu noqon doono qoyska cusub.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...