Hordhac: Barcelona vs Athletic Bilbao – Balaugrana Oo Fursad U Heysata Iney Ku Dhawaato Los Blancos

Barcelona ayaa kaliya dooneysa iney cadaadis saarto Real Madrid oo habeen dambe la ciyaari doont Celta Vigo, iyadoo awooda kaliya iney hal dhibic u jirsato waa hadii ay guul gaarto.

Balaugrana dhibaato xoog leh ayaa soo gaartay todobaadkii h–e markii ay 1-1 Real Betis inkastoo laga inkiray gool xariiqda dhaafay, waxeyna taas dhalisay in baahida loo qabo adeegga Goal Line Technology uu yahay mid lagama maarmaan ah.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barceloan vs Athletic Bilbao

Tartanka: La Liga (Week 21).

Garoon: Camp Nou

Garsoore: Jose Luis Gonzalez (Spain)

Saacadda: 6:15 Maqrbnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Andreas Iniesta ayaa si gaabis ah ugu soo laabtay tababarka kooxda Barcelona iyado hogaamiyaha reer Spain uu tababarka buuxa ee kooxda kusoo laaban doono Isniinta sida ay soo warisay SPORT. Si kastaba Iniesta uma fududa inuu kulankaan kasoo muuqdo, sidoo kalana Busquets ayaa wali xanuun dhanka canqawga ah ku maqan.

KULANKOODII UGU DAMBEEYAY:

FC Barcelona 3-1 Athletic Bilbao – 11th January 2017 – Copa del Rey

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3):

ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Mascherano, Rakitic, Arda; Messi, Suarez, Neymar

Athletic Bilbao (4-2-3-1):

Iraizoz; de Marcos, Laporte, Etxeita, Balenziaga; San Jose, Benat; Williams, Garcia, Susaeta; Aduriz

Comments

comments