PSG Oo Warbixin Aan Fiicnayn Kasoo Saartay Xaaladda Caafimaad Ee Neymar Jr Iyo Haddii Uu Taam U Noqon Karayo Kulanka Borussia Dortmund

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa halis ugu jira inuu seego lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League oo ay PSG la ciyaari doonto naadiga reer Germany ee Borussia Dortmund.

Tababare Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in aanay kooxdiisu hubin haddii uu Neymar taam u nqoon karo ciyaarta muhiimka ah ee Borussia Dortmund, kaddib markii uu ka maqnaaday ciyaartii xalay ay kooxdiisu 6-1 Dijon kulan ka tirsan Cope de France, taas oo ka caawisay inay ugudubto wareegga semi-finalka.

Neymar ayaa dhaawac soo gaadhay ciyaartii kooxdiisu ay ku burburisay February 1, waxaanu awoodi kari waayey inuu dheelo saddex ciyaarood oo PSG ay la dheeshay Nantes, Lyon iyo Dijon, laakiin kulanka ay kooxdiisu aadka ugu baahan tahay waxa uu yahay ciyaarta Salaasada soo aaddan ay isku haleeli doonaan Borussia Dortmund.

Tuchel oo warbaahinta la hadlay xalay ayaa waxa uu yidhi: “Ma sheegi karayo haddii uu boqolkiiba boqol taam noqon doono ciyaarta Borussia Dortmund. Waxa aanu falan-qayn doonaa oo go’aamin doonaa Jimcaha waqtiga suurtogalka ah ee ugu dambeeya ee uu soo laaban karayo, halisna ma gelin doono taam ahaanshihiisa.”

Tababaraha PSG waxa uu si cad u sheegay in laacibka reer Brazil aanu ciyaari doonin Sabtida oo ay kooxdiisu ka hor tegi doonto Amiens, waxaanu yidhi: “Ma doonayno inaanu halis ku gelino ciyaarta Amiens, wayna caddahay. Waxa aanu haysanaa koox xooggan, laakiin haddii ay jiraan shakiyo yar, ma qaadan doono halis.”

Comments

comments