Somaliland: WADDANI Oo Kaambayn Culus Ku Qaaday Bariga Burco, KULMIYE Oo U Waydaartay Galbeedka Burco Iyo Kulan Gaar ah Oo Ay Xalay Jilbaha Isku Dareen Hogaanka WADDANI Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Jilibka Hoose Ee M/Siilaanyo

Date:

Musharrax Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Ka Dhex Toosay Galbeedka Burco, Xubnihii Xukuumadda Kaga Jiray Bariga Burco Oo Lagaga Itaal Roonaaday Xodxodasho Hogaamiyaha WADDANI Kula Dhex Dhacay Bariga Burco Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Tartanka Xisbiyada Ku Dhex Maraya Magaalada Burco

Tan iyo Maalinimadii Arbacadii waxa kaambayn culusi si gaar ah uga taagan yahay Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku sugan yihiin wufuud ay kala hogaaminayaan Hogaammada iyo Musharraxiinta Madaxweyne ee Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE kadib markii Komishanka Doorashooyinka Qaranku si rasmi ah Khamiistii ugu dhawaaqay in Gobollada Togdheer iyo Maroodijeex ay si rasmi ah Maanta oo Sabti ah uga bilaabmi doonto qaadashada Kaadhka Cod-bixintu.
Inkasta oo Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ku horreeyeen cagta hore oo ay gaadheen Magaalada Burco haddana waxa markiiba ka daba tagay masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa xooggan ee WADDANI ku jiheeyey Gobolka Togdheer oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan tirade dadka codkooda dhiiban doona wakhtiga doorashada marka laga reebo Gobolka Maroodijeex.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa tibaaxaya in kadib soo dhawayntii ballaadhnayd ee reer Burco ku qaabilay madaxda xisbiga WADDANI uu xisbigaasi labadii habeen ee ugu dambeeyey kulamo gaar ah iyo shirar-doceedyo hoose uu la qaatay wax-garadka, siyaasiyiinta iyo odayaasha beelaha Bariga Burco kuwaasi oo uu kaambayn siyaasadeed oo culus ku ekeeyey, waxaanay wararku sheegayaan in dadaaladaasi xisbiga WADDANI ku wajahay beelaha Bariga Burco ay kala hogaaminayaan Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac iyada oo uu kulamadaasi ugu dambeeyey kulan gaar ah oo hogaanka xisbiga WADDANI xalay Huteel New Burco uu kula qaatay odayaal, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Aadan Madoobe ee uu ka dhashay Madaxweyne Siilaanyo. Lama oga illaa hadda nuxurka kulankaasi balse xogo hoose oo aannu kulankaasi ka helnay waxa ay tibaaxayaan in odayaasha beeshaasi ay qaban qaabinayaan xaflado ballaadhan oo ay maalmaha soo socda ku muujiyaan taageero ay la garab joogsadaan xisbiga WADDANI.
Dhinaca kale Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo isku hallaynaya taageerada uu ka filayo beelaha Bariga Burco oo taariikh ahaan xisbigaasi KULMIYE muddo dheer taageerayay ayaan isku hawlin in uu xod-xodasho iyo dadaalo hoose ku wajaho beelahan waxaanu dadaalkiisa ku jiheeyey beelaha Galbeedka Burco, waxaana shalay Galinkii hore Magaalada Burco si weyn looga dareemayey booqashadii Musharraxa Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ku tagay goobo badan oo ay ka mid yihiin goobaha dadku ku kulmo ee laga qaxweeyo iyo goobo kale oo ay kula kulmeen odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Galbeedka Burco.
Waxa la filayaa in Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE maanta u safro dhinaca Magaalada Oodweyne halka Waftiga WADDANI ku sii negaan doono deegaamada Bariga Burco oo ay kaambayn culus ka wadaan. Dhinaca kale xogo aannu ka helayno waftiyadan tartanka xooggani ka dhaxeeyo ayaa waxa ay tibaaxayaan in xisbiyahannada KULMIYE taageera gaar ahaan kuwa Bariga Burco ay aad uga cadhaysan yihiin xubnaha wasiirrada ah ee beelahooda Bariga Burco oo aan sidii la filayay uga lib keenin kaambaynkan socda taasi oo Hogaanka xisbiguna diiradda si gaar ah ugu hayo inkasta oo uu dalka ka maqan Yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee isku soo duuboo, waxa la filayaa in tartanka hoose ee u dhaxeeya xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI uu si socon doono illaa laga gaadhayo wakhtiga doorashada oo ay innaga xigto bilo koobani.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...