Somaliland: Degmada Degmada Dhoqoshay Oo Eedo Culus Usoo Jeediyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Cali Marreexaan Iyo Sababta

Date:

Gudoomiyaha Degmada Dhoqoshay ee Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) ayaa eedo culus ku hurgufay Wasiirka Wasaaradda Hawladaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Mareexaan),waxa uu ku eedeeyay inuu isku dayay inuu Sifo sharci daro xoog uga soo kaxaysto Degmadda Dhoqoshay Cagaf Sheewal ah oo uu degmadaasi u iibiyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi,Waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka Reer Dhoqoshay arintaasi ka gilgisheen islamarkaana ay Cagaftaasi wali gacanta maamulka Dhoq oshay ku jirto,Waxa uu intaasi ku daray in Wasiir Cali mareexaan u dhaqmay qaab sharciga dalka baal marsan.
Gudoomiyaha oo Shalay waraysi muuqaal ah bixiyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa sidan“Halkan waxaan imika u taaganahay inaan wareejiyo marka hore Cagaftan dabadayda taagan,oo degmada ka shaqaynaysay muddo dhawr bilood ah,Cagaftani waxa ay ku timid Degmada Shifo sharci ah,cagaftan marka hore anigu ka gudoomiye ahaan waxaan qoray Codsi, waxaana u qoray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu degmada Dhoqoshay siiyo,cagaf lagu shaqeeyo oo wax loogu qabto,Madaama oo ay degmadu ku taalo meel Doox ah,Waana la iga aqbalay,waxaana iga aqbalay Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Aad iyo aadbaanan uga mahad celinayaa Maxamuud Xaashi Cabdi,waxa uu sameeyay qoraal uu ku socodsiiyay Gudida Qandaraasyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si ay uwaafajiso sharciyada,Waxa lanoo iibiyay Cagaftii oo dhamaystiran”.
Waxa kale oo uu yidhi“Wasiirka Hawlaha guud ayaa hadda ku dib ucelinaya Cagaftan,Waxaanu ku andacooday in Degmo kastaa cagaf waydiisan doonto Dawlada,Waxaanu ku badelay inuu yidhaahdo Cagaf Hawlaha Guud taala,anigu ka gudoomiye ahaan markaan dood ka keenay ee aan idhi Waar caga ayaa lanoo iibshee taayada halana siiyo,Waxa uu igula dacwiyay,ma cagaf aad adigu leedahay ayaad doonaysaa,mise Cagaf dawladu leedahay,tani ayay dawladu leedahay ee kaxayso ayuu igu yidhi,Waxaan cadaynayaa inaanay dadka Waynaha Reer Dhoqoshay ahayn Fawdo ku nool ee ay yihiin Sharci ku nool,Waxay illaaliyaan Sharciyada,Waxaana la damcay sifo aan Dawladnimada waafaqsanayn in Cagafta loo kaxeeyo,aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinayaa oo aan idinka tacsiyadaynayaa wixii idinka soo gaadhay Wasiir Cali”
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxa kale oo aan idinka tacsiyadaynayaa Odayaashii is abaabulay ee Wasiirka u tagay ee u gudbiya Codsiga,ee yidhi Cagaftasi faraha ka qaad,ee uu ku gacan saydhay,waxaan ka tacsiyadaynayaa Ciidamada booliiska Somaliland oo u taagan nabadgalyada oo Cagaftaasi aan waxba ka ogayn oo uu ku eedeeyay inay iyagu hayaan,soona istaadhaan,Caliyaw furihii Cagafta aniga ayaa hayay,waakaa aniga ayaa haya,Taliye saldhig ayaan ahayn,Taliye Qaybeed ayaan haynin,sifo sharci ah ayaan kaaga soo qaaday sifo sharci ahna waan kuugu wareejinayaa, imikana waxaan ku wareejinayaa oo dhinacayga isasoo taagi doona Dirwalkii Cagafta,waxaa la isku dayay in Xoog lagu jabsado Cagafta,waakuwaa rabadhadeedii,dadka Reer Dhoqoshayna waxa ay diideen in la jabiyo oo Muraayadaasi laga saaro,Waxaana jabiyay Nin sheeganaya Agaasime,Waxaa ku taageeray laba Xidiglihii aan kaga tagay Degmada,lama arag nin xidigo sita oo qalabkii Dawlada jabinaya”.ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...