SOMALILAND:Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La yeeshay Xubno ka mid ah G Deegaanka Sheffield,

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Somaliland ay go’an tahay inay u halgamaan aqoonsigooda, waxaanu saadaaliyay inay mar uun hanan doonaan aqoonsiga ay xukuumadiisu dedaalka weyn ugu jirto.

Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ka sheegay kulan qado sharaf iyo is xog waraysi ah oo uu maanta kula yeeshay xarunta qasriga madaxtooyada xubno ka mida Golaha deegaanka ee magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska oo socdaal ku yimid dalka.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay kulankan qado sharafta ah ee uu la qaatay xubnahan ka socday Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield oo badhtamihii sanadkii 2014 aqoonsaday Somaliland ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ka go’an tahay in ay raadiso aqoonsigeeda, waxaana uu uga mahad-naqay talaabadii geesinimada ahayd ee ay caalamka ugu horseedeen aqoonsiga madax-banaanida Somaliland.

“Waxa aan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa Golaha Deegaanka ee Sheffield oo ictiraafay Somaliland, Illaahayna waxaan ka baryayaa in ay kuwa kalena ku daydaan oo Somaliland ictiraafkeedu halkaa ka soo dhawaado, waxaanan u sheegayaa dadka Somaliland meel ay joogaanba in xukuumada ay ka go’an tahay ictiraaf raadintu oo ay u halgamayso sidii ay aqoonsi uga heli lahayd caalamka, waanay heli doontaa haddi ALLE yidhaado,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha iyo sheffield
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland qalbigoodu ku yaalo Golaha Deegaanka ee Sheffield, waxaana uu yidhi “Waxa farxad weyn innoo ah in aanu maanta (shalay) halkan ku marti gelino Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield ee aqoonsaday madax-banaanida Somaliland.dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan Sheffield iyo Golaheeda Deegaanka waa dad qalbigooda ku yaalla oo kal-gacal badan aanu u hayno, waa dad noo hiiliyay oo Somaliland iyo horumarkeeda iyo ictiraafkeeda aad uga shaqeeyay.”

Waxa iyaguna halkaasi xubno ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Sheffield oo sheegay in Somaliland tahay dal u qalma aqoonsigii ay siiyeen kal-hore, waxaanay ammaaneen dawladnimada shaqaynaysa, nabad-gelyadda iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...