Ciyaar Xiiso Badan Oo Caawa Dhex-mari Doonta Barcelona v Atletico Madrid.

Date:

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa caawa ku kulmaya garoonka Camp Nou waana kulankii ugu horeeyay ee tijaabo adag ay isgeliyaan labo ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn horyaalka dalka Spain.

Kooxda horyaalka heysata ee Barca ayaa kulankaan ka qeyb qaadaneysa iyagoo 5-1 ku soo garaacay kooxda Leganes, halka Atletico Madrid ay u safreyso Catalonia iyagoo qaab ciyaareed fiican ku jira ka dib markii ay 5-0 ku xasuuqeen Sporting Gijon.

Labada kooxood ayaa taatiko cusub iyo shax ciyaareed cusub soo bandhigay kulankoodii ugu danbeeyay ee La Liga ee isbuucaan, laakiin su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah ma sidaas ayay ku socon doonaan kulanka caawa ee Camp Nou?

Barcelona v Atletico Madrid

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Barcelona waxaa ka maqnaan doona kulanka caawa daafaca cusub Samuel Umtiti kaas maqnaan doona ugu yaraan muddo labo isbuuc ah ka dib dhaawac jilibka ka soo gaaray, waxaana uu seegi doonaa kulamada Sporting Gijon, Borussia Monchengladbach iyo Celta Vigo.

Waxa ay taasi la micno tahay in Gerard Pique iyo Javier Mascherano inay mar kale ku midoobi doonaan wadnaha daafaca dhexe, iyadoo la filayo in Sergi Roberto uu ku soo laabto garabka midig, halka Busquets uu isna soo laaban doono ka dib markii la nasasiiyay kulankii Leganes.

Dhanka Atletico Madrid tababare Diego Simeone ayaa heysta koox buuxda uu ka soo xusho shaxdiisa, iyadoo kooxdiisa ay ku bilaabatay si xun laakiin seddex kulan iyo seddex guul ay durbaba ka dhigtay kuwa qaab ciyaareed fiican ku jira iyagoo mudadaas dhaliyay 11 goolal.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona: Ter Stegen | Roberto, Piqué, Mascherano, Alba | Busquets, Rakitic, Iniesta | Messi, Suárez Neymar

Atlético Madrid: Oblak | Juanfran, Giménez, Godín, Filipe Luís | Augusto, Saúl, Koke | Griezmann, Gameiro, Carrasco

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...