Tallaal Loo Helay Xannuunka Macaanka Oo Si Dhab Loogu Dhawaaqay.

Xannuunka macaanka waxa la nool malaayiin qof oo dunida ah. Tusaale ahaan; dalka Maraykanka oo keliya waxa jira 1.25 milyan ruuxa oo qaba macaanka noociisa koowaad (Type 1 Diabetes), balse waqtigan waxa lagu dhawaaqay in tallaal loo helay.

Talaal boqol sanno ka hor loo isticmaali jiray in lagu daaweeyo qaaxada cudur-dhaliyaheeda TB-da (Bacillus Calmette-Guerin), ayaa hadda lagu arkay in ay daawo u noqon karto macaanka, taasoo bushaaro u ah dadka cabsida ka qaba xannuunka macaanka.

Tallaalkan oo inta badan hadda loo isticmaalo in lagu daweeyo kansarka ku dhaca kaadi haysta ayaa khubaro baadhitaan ku samaysay sheegtay in ay tahay dawo macaanka lagu dawayn karo oo aan wax dhibaato ah keenayn.

Dhawaaqan oo laga shaaciyey kulankii 75aad ee ay yeeshaan Ururka Dhakhaatiirta Macaanka Ameerika (American Diabetes Association) Isniintii toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in dawadan oo magaceeda loo soo gaabiyo BGA tallaal ahaan loogu tijaabiyey 150 qof oo ku jira xaalad koboca macaanka koowaad (Advanced stage).

Jidhka qofka qaba macaanka kiisa koowaad inta badan ma soo saaro amma ma gudbiyo maadada amma dhecaanka insulin, maxaa yeelay waxa burbur ku yimaad unugyada sameeya Insulin, gaar ahaan inta badan ganaca (Pancreatic islet’s) unugyadiisa qaar ka mid ah baa masuul ka ah halka lagu sameeyo insulin. Waxa ay maadadan dawaynaysa dhibaatada ku timaad unugyada, kadibna qofka waxa ay ka ilaalaysaa inuu macaanka qaadi karo, maadaama jidhkiisa insulin soo saarayo marka lagu tallaalo FDA.

Agaasimaha Shaybaadhka Cusbitaalka Massachusetts (Massachusetts General Hospital Immunobiology Laboratory) ee magaalada Boston Dr. Denise Faustman oo warkiisa Jamhuuriya soo xigtay, ayaa sheegay inuu aad ugu farxay natiijada ka soo baxday daraasaddan.

“Wejigii koowaad ee tijaabada waxa ka soo baxday maxsuul aad u cajiiba oo sheegaya in dawadan loo isticmaali karo dawo ahaan. Waxa aan ka shaqayn doonnaa markale dadka macaanka noociisa koowaad qaba oo sannado badan aannu arrintooda ku jiri doonno. Dawadan maaha ka hor tag, laakiin waxaan doonayna in aan ka dhigno in fiditaanka cudurka ay ka hortagto,” ayuu yidhi Dr. Denise.

Dawadan baadhitaankeeda oo dhawaan uun bilaabantay, ayaa lagu daba jiri doonaa dadka lagu tijaabiyey 18 ilaa 60 jirkooda, waxana qofkiiba la siin doona afar jeer.

Khubaradu waxa ay tibaaxeen in aanay ku kalsoonayn in dawadan xannuunka macaanka dhammaantii dawaynayso, balse waxay ku tijaabiyeen macaanka noociisa koowaad.

Comments

comments