Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay Inay Dhisayso Ciidan U Gaar Ah Tahriibayaasha.

l

Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay  shaacisey in  la dhisi doono ciidan u gaar ah isla markaana ka hor tagi doona dadka tahriibaya.

Waxaana sidaasi  laanta afka somaliga ee  idaacada BBC,da u sheegay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici  waxana uu yidhi

“Somaliland kamay gaabin wax ka qabashada Tahrbka arintaasina waa arin cid kasta ka yaaban tahay ,   dadkan mukhalasiinta ah ee dhalinyarada tahriibinaya  talaabooyin badan ayaanu ka qaadney qaar badan waanu xidh xidhnay iminkana waxaa noo qorsheysan in ciidan u gaar ah oo dabo gala dadkaas dhalinyarada ka kaxeynaya magaalooyinkan ee magafayaasha ay soomalidu u bixiyeen in aanu u sameyno oo aanu kaga hor tagno in aanay hawlahaasi dib u dhicin” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Comments

comments